“Saalax-Badbaado wuxu Qoray Fariidkii Aakhiro Fahmay, Qulwalloow lagu Quudhsay, Bal-ka-daaddeg Dawga Sheekh &!” Warbixin Xiiso leh

SAALAX-BADBAADO XILDHIBAAN IS-QARXIYE NOQDAY 2016

Mid ka mid ah Saaxiibbadii Xildhibaan hore Saalax-Badbaado oo isku Qarxiyey Muqdisho

Hargeysa/Muqdisho(Aftahannews):- “Saalax-Badbaado, intii uu joogay Somaliland waxa uu qoray Sheekooyin kala duwan oo qisooyin jira iyo falsafado kala geddisan xambaarsan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen kuwo Ciwaannadooda ay ka mid ahaayeen, Quulwalloow lagu Quudhsay, Bal-ka-daaddeg Dawga Sheekh, Fariidkii Aakhiro Fahmay iyo kuwo kale.” Sidaa waxa yidhi oo Aftahannews u sheegay Nin ay saaxiibbo isku dhaw ahaayeen wakhtigii uu Somaliland joogi jiray Saalax Nuur Ismaaciil (Saalax-Badbaado).

SAALAX-BADBAADO XILDHIBAAN IS-QARXIYE NOQDAY 2016
SAALAX-BADBAADO XILDHIBAAN IS-QARXIYE NOQDAY 2016

Saalax-Badbaado oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaannadii Ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya dowladihii Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isla markaana 26-kii bishan Julay 2016-ka isku qarxiyey meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay isaga iyo is-qarxiye kale ku dhinteen, kuna dileen 15 Qof, halka ay dhawr iyo labaatan kalena ku dhaawaceen, waxaanay Al-Shabaab oo masuuliyadda Qaraxyadaas sheegtay caddaysay in Xildhibaan hore Saalax-Badbaado ka mid ahaa labada Nin ee weerarkaas fuliyey.

Saalax-Babaado oo 57-jira ahaa, ayaa fariin uu duubay ka hor intii aanu fulin Weerarka Wuxuu ku sheegay in uu fulinayo Weerarradii shalay Muqdisho ka dhacay, isagoo ku baaqay in Al-shabaab la taageero. Hadalkiisa ayuu Saalax Badbaado ku sheegay inuu dadweynaha Somaliland ku nool ay taageeraan Al-shabaab, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la iska garabsado sidii dalka cadowga looga saari lahaa. Waxaanu isagoo Xildhibaan Baarlamaan ah ku biiray Kooxda Al-Shabaab sannadkii 2010-kii oo uu tilmaamay inuu laga bilaabo markaas ka toobbad keenay dhaqan aan wanaagsanayn oo uu sheegay inuu ku sugnaa.

Waxa uu Saalax-Badbaado ku dhashay degmada Gar-adag oo ka tirsan gobolka Sanaag ee Somaliland 1960-kii, marka uu is-qarxiyeyna waxay da’diisu ahayd 57-jir. Waxa la sheegay inuu waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe ku qaatay Ceerigaabo, Burco iyo degmada Sheekh, Dugsiga sarena uu ku dhammeeyey Hargeysa oo uu shaqadii u horreysay ka bilaabay dhawr 1982-kii.

“Waxa uu Shaqaale illaa Sarkaal sare ka noqday Wakaaladdii Badbaadada Shaqaalaha dowladdii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey horraantii siddeetamaadkii ee gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex, halkaasoo loogu bixiyey naanaysta Badbaado ee magiciisa ku ladhan. Isagoo Saalax markii dambe loo beddelay Muqdisho, halkaasoo mar looga shakiyey Jabhaddii SNM inuu xidhiidh la leeyahay la xidhay, ka dib markii la soo daayeyna uu ku biiray dhaqdhaqaaqii SNM.” Sidaa waxa Aftahannews u sheegay nin magiciisa ku soo koobay Saleebaan oo ka mid ah Ragga ay Saaxiibbada ahaayeen Saalax-Badbaado intii aanu ka tegin Somaliland.

Waxa uu Saleebaan intaas ku sii ladhay oo uu yidh; “Saalax wuxu ahaa nin Maskax badan oo in badan is-weydiiyo himilo aanu gaadhi Karin, Saalax-Badbaado, ayaa intii uu joogay Somaliland waxa uu qoray Sheekooyin kala duwan oo qisooyin jira iyo falsafado kala geddisan xambaarsan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen kuwo Ciwaannadooda ay ka mid ahaayeen, Quulwalloow lagu Quudhsay, Bal-ka-daaddeg Dawga Sheekh, Fariidkii Aakhiro Fahmay iyo kuwo kale.”

“Hase-yeeshee, 1998-kii ayuu ku dhacay Xanuunka Maskaxda ee Dhimirka, Soomaaliduna Waallida u taaqaanno, kaasoo xataa loo geeyey Cusbitaal ku yaalla Caasimadda Itoobiya ee Addis Sababa oo muddo lagaga dawaynayey Xanuunka Dhimirka, markii uu ladnaadayna waxa uu tegay Jabuuti 2000 labadii Kun, halkaas oo uu Xildhibaan Baarlamaan ku noqday Shirkii Soomaaliya ee Carta, markaa waxaan odhan karaa markii uu Al-Shabaab ku biirayey iyo markan uu is-qarxinayey-ba Saalax ma fayoobayn ee Xanuunkaas ayaa ku soo kacay, waayo wax qof caadi ahi oo da’daas ahi fuliyo ma fulin.” Sidaa ayuu Aftahannews u sheegay Saleebaan.

Geesta kale, Cali Maxamuud Cabdi oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaankii Ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya oo ay Saalax-Badbaado ku wada jireen, ayaa VOA uga warramay aqoontii uu u lahaa Saalax, waxaanu yidhi; “Shaqaalihii Berbera ayuu ahaa ee dowladdii Soomaaliya, meel la yidhaahdo Ceel-garde oo Berbera u dhaw ayaa Deked laga furay anoo dekeddaa haysta la iigu keenay oo la igu yidhi Shaqaalee, waan shaqaaleeyey, Dekedduna waxay ahayd mid ku-meel-gaadh ah oo markii dagaalladii sokeeye ee Waqooyiga (Somaliland) ayay ahayd markii Dekedda Berbera furantay Berberaa la iskula noqday.”

Waxa uu Cali Maxamuud oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray; “Markaa Shaqaalaha ayuu ka mid noqday, muddo yar ka dibna waxa uu tegay Shirkii Carta ee Soomaaliya, Xildhibaan buu ku soo noqday, 2001-dii halkan baan ugu imi isagoo Xildhibaan ah, anigu habeenkii Mataanaha Maraykanka la qarxiyey 11 September 2001-kii ayaan ka soo baxay Hargeysa, isagoo Xildhibaannadii Carta lagu doortay kuwoodii ugu cadcaddaa ah baan ugu imi Muqdisho.”

Cali Maxamuud Cabdi waxa uu sheegay inuu ka qaybgalay Shirkii dalka Kenya loogu qabtay Soomaaliya ee dowladdii Cabdillaahi Yuusuf Madaxweynaha ka ahaa lagu soo dhisay, halkaas oo uu ku waayey Xildhibaannadii Baarlamaanka oo Nin ay ilmaadeer yihiin la qaatay. Markaas ka dibna dowladdii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed hoggaaminayey ee Jabuuti lagu soo dhisay uu mar labaad Xildhibaan Baarlamaan ka noqday 2008-dii, waxaanu xusay inaanay Maskaxdiisu sax ahayn.

“Qofka Maskaxdiisu in bay ku buuxdaa, kollay intii saxda ahayd ee ay innaga Maskaxdeennu ku buuxdo ee Nabadgelyada, degganaanshaha, Soomaalinimada, dowladnimada iyo dib-u-dhiska ah ayey maskaxdiisu siiddaysay oo ay dhaaftay. Markaa, Carruurtiisu da’da afartanka kama yara, cid ay tallaabadan uu qaaday saamaynaysaana ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan hore Cali Maxamuud.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.