“Midho Daray Duudduub ku liq baannu moodaynay..!” Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey)

Go’aanka Gudida Diiwaangelinta kolay dhinacayaga sidii midho daray ayaanu duuduub ku liqnay sababtuna wax kale may ahayn ee waxanu u aragnay in uu dan u yahay UCID xisbi ahaan marka laga tago dan kasta oo gaar ah. 

Hadii Go’aankan marka la eego labada dhinac uu dhinac ku ciiray waxan qabaa in aanu ku ciirsanayn dhinaca Gudoomiyaha marka dib loogu noqdo Xeerka UCID iyo weliba heshiiskii ay labada dhinac kala saxeexdeen. Qodobada Heshiiska ay wada galeen labada dhinac waxay u kala qaybsamayeen kuwo u baahnaa in lagu ansixiyo Shirwayne iyo kuwo ku dhamaanayay heer Gole Dhexe.

Tusaale ahaan waxa ka mid ah jagada ka banaanaata hogaanka sare ee xisbiga oo todoba xubnood ah Shirwaynuhu wuxu awood buuxda u siiyay in Golaha Dhexe buuxiyo sida ku cad Xeerka Xisbiga qodobka 23aad X 2aad.

Kalfadhigii Golaha Dhexe ee ugu dameeyay isga oo cuskaday awooda sharci ee Shirwaynuhu u siiyay in ay buuxiyaan jagada ka banaanaata hogaanka sare ee Xisbiga wuxu buuxiyay jagada Gudoomiye xigeenka 3aad iyo jagada Xoghayaha Guud ee Xisbiga. Hadana Go’aanka Gudidu waxa ku xusan inay buuxinta jagada Guoomiye xigeenka 3aad ku dhamaystirmayso Shirwaynaha meel ay Xeerka UCID kaga jirtaana ma jirto.

Jagada Xoghayaha Guud oo mar kale banaanaatay waxa magacaabay Gudoomiyaha Gole Dhexena ma ansixin taas oo ka soo horjeeda Xeerka UCID dacwaddayadana ka mid ahayd Go’aanka Gudidu maba soo qaadin. Taas oo Guddoomiyuhu xubintii sifaha sharciga ah lagu soo buuxiyayna uu dafiro tii isaga oon xaq u lahayn uu iskii u magacaabayna sharci ka dhigo.

Marka la eego sida uu Gudoomiyuhu wax u wado Hogaankii Sare ee Xisbiga keligii ayaa jira Gudoomiye xigeenka 3aad iyo weliba Xoghayaha Golaha Dhexe oo labaduba ay sharci yihiin isaga xagiisa ma jiraan.

Tusaalaha kale waxa ah Musharaxa Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa oo Shirwaynaha Xisbigu awood buuxda u siiyay in Golaha Dhexe lagu doorto oo loo codeeyo. Waynu ognahay in taasi ay dhacday oo Golihii Dhexe ee ugu dambeeyaye uu Jamaal Cali Xuseen u doortay jagada madaxwaynaha halka Cabdirashiid Xasan Mataana uu u doortay jagada Madaxwayne ku xigeenka oo arinkaasi sharci ahaan marka Xeerka UCID la raacayo uu Golaha Dhexe ku dhamaaday.

Meel ay Xeerka UCID kaga jirto in Shirwayne ansixiyaana ma jirto. Hadana Go’aanka Gudida Diiwaangelinta ee aanu aqbalnay wuxu xusayaa in musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen ay ku dhamaystirmayso ansixinta Shirwaynaha meel ay Xeerka UCID kaga jirtaana ma jirto.

Labada arin ee tusaalaha aan u soo qaatay rasmi ahaan waxay si toos ah uga soo horjeedaan Xeerka Xisbiga hadana anaga oo sidaa u og xaqna aanu u lahayn in rafcaan aan Maxkamadda Sare uga qaadano ayaanu ka doorbidbay in aanu duuduub ku liqno.

Shirwaynahan Go’aanka Gudida Diiwaangelinta waxa qasbay dhinaca Gudoomiyaha. Hadii aad dib ugu noqoto doodii dhinaciisa wax kasta oo aan waafaqsanayn Xeerka Xisbiga oo Gudoomiyuhu ku talaabsaday wuxu ku dooday sida ay Qareenadii u hadlayay doodoodu ahayd inay sax ahayd iyaga oon daliil sharci u haynin.

Dhammaan qodobadii heshiiskii labada dhinacna wuxu ku adkaystay in aanay sharci ahayn ilaa Shirwaynihii heshiiska ku xusnaa la qabto uu ansixiyo mooyaane. Arimahaas oo la ogyahay inay ka mid yihiin kuwo aan looga baahnayn in Shirwayne ansixiyo sida kuwa aan tusaalaha u soo qaatay. Gudidu waxa muuqata inay tiisii raaceen oo dhamaan qodobadii heshiiska ay sidii uu doonayay ku xidheen Shirwayne balse waxa mudeeyeen oo keliya in Shirwaynaha la qabto muddo 45 maalmood gudahood ah.

Taas ayaa anagana kow ka ah sababaha aanu uga qaadan waynay rafcaanka waayo waxanu ognahay xaaladda xisbigayagu sida ay maanta tahay oo u baahan, hadii fursada la helo in si dhamaystiran dhismihiisa oo dhan mar keliya looga faraxasho.

Tan kale Shirwaynahan aan caadiga ahayn ee lagu dhamaystirayo arimaha heshiiskii labada dhinaca ee u baahan Shirwayne maaha wax cusub oo Gudidu ay jeebka kala soo baxaday ee waxay ku cadahay heshiiskii labada dhinac laftiisa sida hadda Gudidu u dhigtay in si wadajir ah labada dhinac ay u qabtaan Shirwayne iyaga oo Gudida Qabanqaabada, iyo ergadaba ay tiro siman yeelanayaan.

Sidaa daraadeed waxanu ugu faraxnay Go’aanka Gudida maaha in anaga wax gaar ahi noogu jiro,hadii si run ah loo eegana Gudidu waxan odhan karaa way nagu jiifsatay Gudoomiyahana way ka gaabsatay in runta ay u sheegto. Hadana danta Xisbiga iyo mustaqbalkiisa dhaw iyo ka fog markaanu eegnay waxay noola muqatay kaadi badane waa loo gogol badiyaaye Go’aanka Gudida Diiwaangelinta in sidii midho daray aanu duuduub ku liqno. Mar hadii aanu ogolaanay HAA iyo MAYA in labaduba naga soo baxaan anaga wax naga suurtoobi kara maaha Ilaahayna meel nagagama wada yeedhsiiyo isaga ayaa ku Mahad Lehe.

Cali Maxamed Yusuf (Cali-Gurey)

Hargeysa/Somaliland.