Daawo Maxamed-BK & Axmed-Biif oo Si Qosol badan uga heshiiyey Khilaaf u dhaxeeyey & Shaw-gooda Hargeysa

HESHIISKA MAXAMED-BK IYO AXMED-BIIF 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Fannaaniinta Maxamed-BK iyo Axmed-Biif oo Xurguf ama khilaaf heeso ay iska daba-qaadeen ka bilaabmay sannado ka hor, isla markaana sababay inuu BK Hargeysa ku xidho Biif sannadkii 2012-kii oo uu Booqasho ku yimi Caasimadda Somaliland, ayaa shaaciyey inay soo afjareen, isla markaana ka heshiiyeen khilaafkaas, Hargeysana ku wada qabanayaan Shaw ama Bandhig-faneed labadooda u gaar ah.

HESHIISKA MAXAMED-BK IYO AXMED-BIIF 2016
HESHIISKA MAXAMED-BK IYO AXMED-BIIF 2016

Fannaanka Maxamed BK, ayaa Guriga ay isaga iyo Qoyskiisu ka deggan yihiin magaalada Hargeysa ku casuumay Fannaanka Axmed-Biif, isagoo ay Carruurtiisa iyo Xaaskiisuba si diirran ugu soo dhaweeyeen Hoygooda Hargeysa oo ay wada-jir ugu maamuuseen. Waxaanu BK ka codsaday Biif inuu ka saamaxo tallaabada uu ku xidhay sannado ka hor, taasoo uu sheegay inay ku noqonay naanays uu meelna ka mari kari waayey, isagoo Axmed-Biifna ka aqbalay Codsigaa BK, sheegayna inuu cafiyey ama saamaxay.

Axmed-Biif ayaa toddobaaddadii u dambaysay Hargeysa ku joogay Safar, Ciiddii Soonfur-na ee toddobaad iyo maalmo ka hor-na Hargeysa ku qabtay Bandhig-faneed ay wada-qabteen Kooxda Xiddigaha Geeska oo aanu Maxamed-BK ka mid ahayn illaa bishii May ee sannadkan 2016-ka oo Kooxdaas laga saaray BK.

Waxay Fannaaniintani u mahad-celiyeen Dadkii ka shaqeeyey isfahamkooda, kulankooda, heshiiskooda iyo Bandhig-faneed ay Huteel Crown ee magaalada Hargeysa ku wada qaban doonaan labada Fannaan ee BK iyo Biif, kaasoo ay qaban doonaan saddexda Bisha soo socota, kaasoo uu Cabdi Good sheegay inuu Sagootin BK uga dhigayo Biif.

Qaabka ay u heshiiyeen ama isu cafiyeen Fannaaniinta Axmed-Biif iyo Maxamed-BK, Cabdi Good iyo hadallada Jilis laga dhadhansanayo, sida ay BK iyo Qoyskiisu u maamuuseen Axmed-Biif iyo qaabka Bandhig-faneedkooda loo qorsheeyey inuu u qabsooma-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.