“Beenin War aan Jirin oo Xisbiga UCID Garabka Faysal iga fidiyeen iyo Jawaab ku socota Suldaanka Beesha Gabooye” Cismaan Cumar Dool

CISMAAN CUMAR DOOL

“Anigoo magaceygu yahey Osman Omar Dool degan dalka Norway Oslo waxaan marka hore halkan ku beeninaya war lagu baahiyey mediaha warkaas oo ah nin hadlaya oo la saarey sawirkeyga, ninkaasi wuxuu ka hadlaya in beesha Ciidagale iyo Suldaankooduba ay noqdeen Midgo maadama aaney wax maqaalufo ah laheyn wuxuuna raali galin siinaya dadka reer Somaliland isagoo raali gelin ka bixinaya hadal ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee reer Somaliland oo sheegay in shir ku dhex marey xubno ka tarisan beesha Garxajis uu ahaa shir loogu tashaneyay in lagu duulo kililka shanaad ee Ethiopa.

CISMAAN CUMAR DOOL
CISMAAN CUMAR DOOL

Hadaba waxaan halkan si cad ugu beeninaya in aanu ninkaas hadlayaa aniga aheyn lakiin rag ka tirsan Xisbiga UCID oo ah Xisbi saaxada siyaasada ka sii baxaya ay iyagoo igu khasbaya inaan si indha la`aana u tageeraa ay iyagoo u jeeda Xisbiga Wadani ay is dul saareen codka ninkaa Ciidagale tirtirsiyaya iyo sawirkeyga. Waxaan anigoo maankeyga iyo miyirkeygaba qaba halkan ku beeninayaa inaanu aniga ahey ninka meesha ka hadlaya aniga aheyn balse magaceyga lagu dilayo iyadoo loo jeedo keliya maxaad Xisbiga Wadani u tageertey.

Geesta kale waxaan halkan hadal u marinayaa suldaanka Guud ee beelaha Gabooye Suldaan Ladiif oo ah suldaan xageyga sharaf iyo cisi ka leh. Waxaan leeyahey Suldaanow Somalidu waxey ku maahmaahda Fiqi loo sheeko xumeeyay wuu dhaxal xumeystaa.

Waxaan aad uga xumahey adigoo Suldaana oo suldaan umadeed ah inaad iskaga khaldanto qof aan aqoon wax cadna aanad ku haynin, adigoo keliya maqley ama warkooda qaatey dad doonaya iney qofkaa magaciisa dilaan.

Suldaan adiga iyo beeshaadaba sharaf baan u hayaa in beesha lagu soo biiro ha u arkin in ka dhigan tahey nijaas lagu biirey waa beel sharaf leh oo xuquuqdeeda meel lagaga dhaco, halkan aan joogo oo ah Yurub anigoo nin madow ah oo Africa ka yimid waxaan la xaquuq ahey dadka dalkan leh, waxaan kaa codsan lahaa inaad xaal ii soo dirto, oo aad iiga soo dirto adigoon i aqoon inaad mediaha ii soo fadhiisto. Geesta kale waxaan kaa codsnayaa inaad halgan u gasho xuquuda dadka la hayb sooco ee aad Suldaanka u tahey.”

Cismaan Cumar Dool

Oslo/Norway.