Ilayska Muddo-kordhin mar kale loo sameeyo Siilaanyo oo Ifaya, Fallaadhaha Dib-u-dhaca & Fahanka Fadhigii Maanta!

Muuse Biixi, Cabdiraxmaan-CIRRO iyo Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hoggaamiyo iyo Xisbigeeda Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa bilaabay qorshayaal loogu gogol-xaadhayo muddo kordhin mar labaad loo sameeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, isla markaana dib u dhigi kara qabashada doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo u muddaysan bisha Maarso ee sannadka 2017-ka ee foodda innagu soo haya.

Muuse Biixi, Cabdiraxmaan-CIRRO iyo Faysal Cali Waraabe
Muuse Biixi, Cabdiraxmaan-CIRRO iyo Faysal Cali Waraabe

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa iftiimiyey jiritaanka tuhun hadal-hayntiisu beryahanba Bulshada dhexdeeda ku badnaa oo la xidhiidha inay Madaxtooyadu qorshaynayso sidii mar labaad muddo kordhin loogu samayn lahaa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan-Saylici.

AXMED-SIILAANYO IYO CABDIRAXMAAN-SAYLICI 2016
AXMED-SIILAANYO IYO CABDIRAXMAAN-SAYLICI 2016

Waxa uu Xildhibaan Xasan Cawaale sheegay inay muhiim tahay in la kala reebo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, isla markaana la soo horreysiiyo ta Golaha Wakiillada, muddo kordhin ugu yaraan laba sano ahna loo sameeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.

Hadalkan Xildhibaanka, ayaa ku soo beegmay Sabtidii Maanta oo ay Kulan ku yeesheen magaalada Hargeysa Hoggaanka Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI, kaasoo ay kaga wadahadlayeen Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada oo is-faham la’aan badani ka taagan tahay sida ay gobolladu u kala helayaan, Madaxweynuhuna dhawaan dib ugu soo celiyey Wakiillada, isla markaana ay Xisbiyadu isla eegayaan qaabka gobolladu u qabansanayaan Kuraastaas doorashada hore loogu muddeeyey bisha saddexaad ee sannadka 2017-ka ee foodda innagu soo haya.

Hase-yeeshee, waxa ila-wareedyo ka ag-dhawaa shirkaas iyo kuwo goob-joog ka ahaaba u sheegeen Aftahannews in la isku mari waayey doodda ay hoggaanka Xisbiyada oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyeyaasha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Xubno kale oo kala weheliyey, ka dib markii sida la sheegay KULMIYE Shirka keenay in loo baahan yahay in doorashada Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiillada oo Baarlamaanku ansixiyey in isku maalin la qabto la soo kala horreysiiyo.

Waxay ila-wareedyada Aftahannews soo xigtay intaas ku dareen inay labada Xisbi Mucaaradna ku doodeen inaanay ajandaha ama ujeedka kulankoodu ahayn taas, ee ay tahay in saami-qaybsiga Kuraasta Wakiillada laga wadahadlo. Markii dambe waxa la isku raacay sida Xogahani Aftahannews u sheegeen, in 23-ka bishan aynu ku jirno ee Julay la isugu yimaaddo Kulan dambe oo arrintaas Saamiga Kuraasta lagaga wadahadli doono.

Haddaba, hadalka Xildhibaanka iyo doodda KULMIYE kulankaas la sheegay inuu kaga dooday, ayaa ujeeddo ahaan is-imanaya, waxaana beryahanba la saadaalinaayey inay Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE qorshaynayaan sidii muddo kordhin mar labaad loogu samayn lahaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka oo muddo kordhin sannad iyo toban bilood ah loo sameeyey bishii May ee sannadkii 2015-kii, taasoo ku eeg qabashada doorashooyinka la mataaneeyey marka ay dhacaan bisha March bil ka dib.

Waxaa kale oo jira tallaabooyin sababi kara in labada doorasho ee sharciga la ansixiyey lagu soo saaray inay maalin Somaliland ka wada-qabsoomaan dib u dhac ku yimaaddo wakhtiga loo cayimay 27-ka March 2017-ka, kuwaasoo ay ka mid yihiin hakad muddo laba bilood iyo dheeraad ah ku yimi sii socoshada diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo aan la’aanteed wax doorasho ah la qaban Karin sida ay Baarlamaanku ansixiyeen.

Waxaa kale oo ka mid ah arrimahaas, Colaado deegaannada gobolka Sool meelo ka mid ah ka taagan iyo ajandayaal kala duwan oo ay Xukuumaddu diyaarisay in dadka lagaga mashquuliyo arrimaha doorashooyinka oo Heshiiska wareejinta Dekedda Berbera ka mid yahay, Khilaafka Xisbiga UCID ka dhex-taagani ka mid yahay iyo qorshayaal kale oo aan weli dhaqdhaqaaqooda si rasmi ah loo bilaabin iyo weliba rabitaanka KULMIYE soo qaddimay kulanka Xisbiyada ee maanta ee ah in la kala horreysiiyo labada doorasho.

Taasoo haddii la isla-qaato keenaysa in Golaha Wakiillada dib loogu celiyo Xeerka doorashooyinka oo ka mid ahaa waxyaabihii khilaafkoodu keenay muddo-kordhinta hore ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeen Saylici loo sameeyey sannadkii hore, kaasoo wakhti qaadan kara, haddii la isku-diidana muran iyo khilaaf ka dhex-bilaabi kara Xisbiyada iyo daneeyayaasha doorashooyinka iyo weliba Baarlamaanka dhex-diisa iyo Xukuumadda oo doorka koowaad ee jilista Filimkan iyada iyo Xisbigeedu yeelanayaan, waxaas oo dhami markay muddo jiitamaan, wakhtiga doorashaduna soo dhawaado, Guddiga doorashooyinkuna caddeeyaan inaanay wakhtiga hadhsan doorasho ku qaban Karin, waxaa keliya ee cid waliba ku qasban tahay sida Dastuurka Somaliland dhigayo waa in doorashada dib loo dhigo oo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xafiiska jooga muddada loo kordhiyo.

Maaddaama oo uu Dastuurku jidaynayo in Madaxweynaha xilka haya uu beddeli karo keliya Madaxweyne la soo doortay, haddii aanu is-casilin ama geeriyi aanay ku iman, markaas oo sharcigu waajibinayo in Guddoomiyaha Guurtidu muddo lix bilood ah fadhiyo si uu doorasho dalka u gaadhsiiyo, inkasta oo markii uu Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal dhintay qodobkaas la gees-maray oo Ku-xigeenkii markaas Md. Daahir Rayaale Kaahin xilka loo dhaariyey, haddana sharcigu Guddoomiyaha Guurtida ayuu sheegayaa, haddii doorashadu wakhtigeeda ku dhici waydana in cidda joogta loo kordhiyo.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.