Daraasad Lagu Ogaaday in Isku-buuqu Sababo Calool Xannuunka ku Dhaca Qofka

3387CBC900000578-0-image-a-1_1466554507951AftahanNEWS)))-__Sida lagu ogaaday daraasad cusub ku dhawaad 90% haweenka adduunka waxa la soo dersa xannuunnada uur-ku-jirta haleela waqtiyadii u dambeeyey, waxaanay khubaro baadhitaan caafimaad sameeyey sheegeen in ay ugu wacan tahay isu buuqa badan eek u dhaca.
Dhakhaatiirtu waxay ka digeen in maskaxda caafimaad-darradu hayso xidhiidh la leedahay xannuunnada dheef-shiidka ku dhaca, iyagoo xusay in uur-ku-jirta iyo maskaxda xidhiidh shaqo oo is xaal ogaansho ah ka dhexeeyo.
Cilmi-badhayaashan waxa ay sheegeen in isku buuqo oo xidhiidh aan toos ahayn la leh hurdo la’aanta, cunto xumada iyo waliba inuu saamayn ku yeesho caafimaadka haweenka, halka sidoo kale qofka isku buuq ku dhaco uu la kulmo calool xannuun.
Daraasaddan waxa lagu ogaaday in 88% haweenka gaastaridu u dhacdo sannidii u dambeeyey, marka la barbardhigo 83% ragga ah oo ay asiibto, gaar ahaan dadka Ingiriiska.
Xogta daraasadda ka soo baxday wax ay muujisay in murugado sababto dulqaad la’aan iyo in caabuqyo, bakteeriya iyo fayrasyo uur-ku-jirta qofka ku dhasha.
Khubaradu waxa ay tilmaameen 30% dadka waaweyn ee caloosha ka cawda inay ugu wacan tahay isu buuqa iyo degenaan la’aanta maskaxdooda, taasina keento cunto xumaan, halka 26% ay hurdo la’aan ku dhacdo. Sidoo kale, 14% waxa calool xannuunka sababa fayras, halka haddii qofku isticmaalo maandooriyayaasha 14% uu calool xannuun ka cawdo.
Cilmi-baadhistan oo ay diyaariyeen khubaro Jaamacadda Cambridge University ka tirsan waxa ay ku ogaadeen in dumarku murugada iyo isku buuqa kaga badan yihiin ragga laban laab ahaan, waxaanay cilmi-badhayaasha oo daraasadooda ku daabacay jariidadda Brain and Behavior oo warbaahinta soo xigtay tibaaxeen in arrintan ay ugu kala badan tahay hadba hab-nololeedka dumarku ku kala nool yihiin.
Xilliyadii hore waxa haweenku joogi jireen guriga, kana masuul ahaayeen qoyska, balse waqtigan waxa ay hayaan shaqooyin iyo korinta ubadka, taasina waxay ku keentaa culays sida daraasaddu sheegtay.
“Marka haweenayda isku buuq la soo darso waxay noqotaa in gudaheeda dhib dareenta, kadibna murugo isu beddesho, isna waydiiso waxyaabaha khaldamay sababta ay u khaldameen, halka raggu dibadda isaga saraan cadhada.” Sidaa waxa tidhi Olivia Remes oo hormood ka ah khubarada.
Waxa kaloo khubaradu sheegeen in xaaladaha dumarka ee gudeed ay keenaan in waqtiyada qaar calooshu xannuunto.

 

 

Aftahannews.com

Diyaarinttii;-ASkar