Haddii aad Hurdo Fiican Doonayso Elaktarooniga oo Dhan Iska Bakhtii, Qol Qabowna Seexo

imagesAFTAHAN___Waxa iska caadi ah in malaayiin qof oo dunida ku nool la xarbiyaan sidii ay hurdo u heli lahaayeen habeenkii, iyagoo maalintii oo dhanna daalanaa, halka dad badanna riyo iyo qaraw badan la kulmaan, taasina keento in ay nasan wayaan, balse cilmi-baadhis cusub soo jeedisay in qofku uu hurdo raaxo leh ku heli karo haddii uu dhammaan qalabka elaktarooniga ah iska bakhtiiyo, qol qabawna uu seexdo.
Khubaro ka tirsan Jaamacadda University of Western ee dalka Australia, ayaa ogaatay in bakhtiinta elaktarooniga saacad ka hor inta aan qofku sariirta amma gogosha aannu tegin ay maskaxda u keento degenaansho, halka qolka qabowna qofka u keeno hurdo aad u wanaagsan.
Cilmi-badhayaasha oo daraasadood ku tijaabiyey koox kubbadda kolayga ciyaarta oo haween ah (Perth Lynx Women’s Basketball), gaar ahaan xilli-ciyaareedkoodii 2015-2016-ka, waxaanay ogaadeen in dhaqan lagu dhaqo ka hor inta aanay sariirtooda u hurdo doonan ay siiso hurdo fiican, kaasoo ah in dhammaan laga bakhtiiyo wixii elaktaroonig ah ee ay isticmalaan, taasina faa’iido u noqon karto qof kasta sida khubaradu sheegeen.
“Waqtigan iyo waqtiga da’da ahba, tababarayaasha waxa ay eegaan nolol kasta oo ciyaaryahannadoodu ku jiraan iyo waxa wanaajinaaya ciyaarta kooxda, sidaa darteed waxa aan kooxdaas aan baadhaynay u kala qaybinnay laba qaybood oo is le’eg, kadibna hurdadooda ayaannu eegnay, waxana noo soo baxday in dhaqanno lagu dhaqo hurdada ka hor ay hurdo fiican siiso ciyaaryahannada,” ayuu yidhi Ian Dunican oo ka tirsan Xarunta Cilmiga Hurdada ee Jaamaca UWA.

Aftahannews,com 

Diyaarintii;-ASkar