Madaxweyne Afrikaan ah oo Wiilkiisa Curad u Magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenkiisa iyo Xil kale!

Guinea(aftahannews):- Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea oo ku yaal badhtamaha qaaradda Afrika Mr. Teadoro Obiang’s Nguema, ayaa wiilkiisa curad oo la yidhaa Teodoro Obiang’ Mangue u magacaabay inuu noqdo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa.

Congo-750x429

Madaxweyne Teadoro waxa uu wiilkiisa u magacabay Madaxweyne-ku-xigeenka labaad ee dalka, kadib markii qaab-dhismeedka dawladdiisa la beddelay, lana sameeyey hab cusub.

Sida lagu sheegay wargeys la yidhaa Terra Brasil oo ka soo baxa dalka Brazil oo warbaahintu soo xigtay, waxa telefishanka dalkan Afrikaanka ah laga sii daayey war madaxweynuhu ku caddeeyey inuu wiilkiisa u magacaabay Wasiirka Difaaca iyo Amniga ee Equatorial Guinea, halka sidoo kale uu noqday madaxweyne-ku-xigeenka labaad ee dalkaas.

Aftahannews.com

Diyaarintii Askar.