Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku eedeeyey Xadhigga Xildhibaanno Gole Deegaan

Hargeysa(Aftahannews.com):- Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa si kulul u cambaareeyay xadhig uu sheegay in ay Xukuumaddu kula kacday Xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka degmada Gabilay.

images5

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo caawa ka soo baxay xarunta dhexe ee WADDANI ku leeyahay magaalada Hargeysa, Guddoomiye Ku-xigeenka WADDANI waxa uu eedda xadhigga Xildhibaannadaas dusha ka saaray Xukuumadda,

Warkaa qoraalka ahina waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxa aan cambaaraynayaa xadhiga ay xukuumaddu kula kacday xildhibaanada golaha degaanka ee Gabilay, waxa aan leeyahay waa talaabo nuqsaan ku ah doorashooyinkii aan galnay iyo dimuqraadiyada somaliland, iyo sharafta xildhibaanka, sideedaba xildhibaanka golaha degaanku waxa uu la mid yahay xuldhibaanka golaha wakiilada ah oo wuxuu leeyahay xasaanad iyo karaamo mana aha in si sahlan loo xidho, waxa kale oo intaas dheer waxa la xidhay ma aha xildhibaano ee waa shacabkii reer Gabilay oo dhan sababta oo ah, xildhibaanadu waxa ay ku fadhiyaan kumanaan cod ah oo lagu soo doortay, sidaasi aawadeed waxa aan xukuumadda leeyahay waa in ay ka laabataa talaabadaas oo ay xildhibaanada xoriyadooda u soo celisaa raaligalinna ka bixisaa.

Waa layaab wasiiro wacyigalin wada oo leh waxa aan dhalinta ka wacyigalinaynaa tahriibta, waxa aan leeyahay wacyigalin laydinkama sugayne wax qabad muuqda oo dhalinta lagu badbaadiyo ayaa laydinka sugayey, waxa ay xukuumaddu gacanta ku haysaa hantidii shacabka, waxa ay ahayd inay samayso shaqo abuur cadaalad ku salaysan, waxana aan aaminsanahay in dadka dhalinta ah ee dalka ka yaacayaa ay ka baxsanayaan Cadaalad darada, eexda iyo qaraabo kiilka xadhkaha soo goostay ee kor u kacay inta ay xukuumadan Kulmiye jirto.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.