Shimbirkii Ku Noolaa Beedka Shimbiraha! Qalinka – Maxamed Faarax Qoti

SHIMBIR BEED CUNAYA

Markii uu Alle (SW) uu dunida guudkeeda ku abuuray Nebi Aadan (CS) iyo Xaawa, tafiirtii ay dhaleena ay ahaayeen mataano laba iyo dhadig ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Qaabiil iyo mataantiisii Aklima, halka Haabiilna mataantiisu ay ahayd Lyotha, taasoo midba mida kale mataantiisa uu guursan jiray.

SHIMBIR BEED CUNAYA
SHIMBIR BEED CUNAYA

Qaabiil mataantiisii oo aad u qurux badnayd ayuu guursaday Haabiil, kadibna Qaabiilna waxa uu nasiib u yeeshay Lyotha oo ahayd mataantii Haabiil oo aad u fool-xumayd, hinaasihii buu ku dilay Qaabiil walaalkii Haabiil.

Kadib isagoo afariirsan oo argagax iyo naxdina ka muuqato, oo garan’la maydka walaalkii si uu yidhaahdo, ayuu Alle (SW) u soo diray laba Tuke oo dagaalamaya, waxaana dhintay mid ka mid ahaa labadii Tuke, isla markaana tukihii kale ayaa aasay maydkii tukihii dhintay, sidaas baanu Qaabiil ku aasay walaalkii Haabiil, (tixraac suuratul maa’idaha aayada 31 aad ee quraanka kariimka ah).

Dunida guudkeedka aynu ku nool nahay waxa Alle (SW) ku abuuray makhluuqaad badan, haddii ay noqon lahayd barriga, biyaha iyo kuwa sammada haadaba.

Haddaba, marka aynu dib u halacsano qaar ka mid ah dhaqannadii Taariikhiga ahaa ee dunida ka jiray qarniyadii aynu soo dhaafnay, waxa caado u ahaan jirtay oo ay rumeysnaayeen inuu yahay dhambaal sidaha geerida iyo inuu hadalkiisu uu ahaa waxyi uu Alle u soo dhiibay, isla markaana uu xidhiidh dhow la leeyahay geerida ama dhimashadaba.

Haddii aynu tusaale u soo qaadano, sababihii dhaliyey caaddeysiga mushriknimadaas ay ahaayeen in aan la’aasin maydka labka, ka dibna la arki jiray nooc ka mid ah shinbirkaasi oo dul-haadaya maydad badan dushooda, ka dibna quudanaya.

Waxa kale oo ay rumeysnaayeen dadka haysta diinta budhismku in haddii la saaro jidhka qofka dhintay gurada sare macdabta ay ku cibaadaystaan (temples) uu qaadi doono shinbirkaas, ka dibna dib loo soo galin doono nolol cusub.

Waxa tariikhda lagu sheegaa in shinbirkaasi lagu quudiyey dad badan oo u dhintay cudurka daacuunka ee la yidhaahdo (Bubonic plague) kaasoo ka dilaacay wadamada yurubta galbeed qarnigii 13-aad ee la soo dhaafay.

Sidoo kale, dadka ku nool wadama dalka Greek’guna waxay rumeysnaayeen inuu yahay guhaan, oo haddii uu soo dul fadhiisto guri ama gee u dhow, ka dibna uu ciyo saddex jeer uu ka dhiman jiray qof ka mid ah qoyskaas, laakiinse, haddii aanu ciyin oo uu iska duulana, aanay la kulmi jirin wax dhiilo ah ama dhibaato ahba qoyskaasi, waxaanay ku odhan jireen jireen shinbirkaasi “Go on your way, and bring me good news.” taasoo macno ahaan noqonaysa “Dariiqaagaa haysoo, war wanaagsan noo sheeg” waxaanay markii danbe ugu magac dareen “Group of crows “ oo ahayd kalmad Greek ah, oo macno ahaan noqonaysa “kooxdii dillaaga ahayd”.

Dhamaan shimbiruhu waxay leeyihiin xirfado iyo fikrado kala duwan kuna salaysan hadba kala duwanaanshaha xaaladaha ku gadaaman ee jira, inkastoo ay jiraan kala duwanaansho dhinaca kartida maskaxda iyo qaab-dhismeeka maskaxda ay u sameysan tahay inkastoo haddana aan la aqoon sida ay u eegyihiin naasleyda iyo shinbiraha kale, balse waxa ay qorayaashu ku doodaan aragtida ah awoodaha xaaladaha qaar ay u isticmaalaan kaydsiga cuntada, ama awoodaha fikradaha macquulka ah ee isku garashada muraayada iyo damqashada.

Xirfadaha garasho ee naasleydu waxa ay qayb ka tahay maskaxaha loo yaqaano neocortex, shinbiraha aan lahayn qaab-dhismeedkaasi, laakiinse leh maskaxda maareynta hawlaha adag waxa la yidhaadaa pallium.

Haddaba, nooc ka mid ah tukaha oo ay isku qoys yihiin waxa uu qadhaabtaa kalluunka, khudaarta, midhaha geedaha, maska, caarada, beedka, cufka shimbiraha, cayayaanada, khashinka, raqda xayawaanka iyo wax kasta oo uu heli karo, kaasoo maalin kasta u doonta qadhaabkaasi masaafad lagu qiyaaso illaa iyo 40 mayl ah.

Kaasoo hab-dhaqanka iyo dabeecada uu leeyahay lagu tilmaamaa mid dagaal badan, oo leh caqli badan, kaasoo mararka qaarkoodna leh muran iyo cayaar badan, lagamana yaabo inuu si fudud uu u illaawo codka uu maqlo, waxaanu leeyahay dhawaaqa laxamka jiibta ciyaaraha ee la yaabka badan ee ay ka mid ka yihiin qaybaha kala duwan ee ay leeyihiin luqadaha aadamuhu.

Waxaanu dhalaa kiisa dhadig afar illaa iyo shan beed sannadkiiba, beedkaas oo ku dilaaca muddo 18-maalmood ah, ka dibna, waxa ay quudisaa muddo 4- todobaad ah, waxaana lagu qiyaasaa inuu gaadho cimrigiisu in ka badan 16-sannadood.

Haddaba noocan oo ka mid ah qoysaska tukaha kaasoo loo yaqaano Jay ayaa ah mid ku nool beedka shinbiraha, isla-markaana ah mid xasarad badan oo baabiiya cufka hoyga shinbiruhu ay sameysteen, ka dibna tukayaasha kale waxa ay saaraan maxkamad cadaalad ah, taasoo lagu xukumo darajooyin kala duwan, kama danbeystana way dilaan.

Dulucda qormadeydan haddaan hoos uga soo daadego, ma lihi cidbaa innaga noqotay shimbirka ku nool beedka shimbiraha ee loo yaqaano Jay , laakiinse waxaan odhan lahaa in dhug loo yeesho masuuliyiinta ku nool beedka shimbiraha.

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.