Ma Sidan Ayay Go’aansadeen!?

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

Waxay dagaal kula jiraan naftooda. Mar walba waxay u heellan yihiin hagardaamaynteeda iyo lurkeeda. Kama damqanayaan halista ay naftoodu ku sugan tahay. Ciddii kala talisa dhibtaas ay wehelka la noqdeen waxay u arkaan dad cadow ku ah nasteexa iyo farxaddooda nololeed. Subax, duhur, galab, habeen iyo xilli kasta oo ay tahay waxay ku foogan yihiin dirirtaa aan naxdinta lahayn ee ay naftooda kula jiraan.

Heersare12

Dardaaranka iyo digniintu waa u dawo haddana ma daneeyaan oo waxa kala weyn boholyowga ay u hayaan dabka ay ku shidayaan naftooda. Way garanayaan inay naftoodu halis ku jirto, balse waxba uma qaban karaan. Waayo, go’aanka ay guddoonsadeen ayaa ah inay giriifaan oo gabogabo joojiyaan. Haddii ay naftoodu cid uun ka dawcwayn lahayd, iyaga ayaa ka hor taagan oo afkeeda ku hadlaya. Hubka ay naftooda u isticmaalayaan waa mid ay lacagtooda ku iibsadaann.

Waxba yaanay arartu ila sii taraarine dadka aynu ka hadlaynaa waa kuwa Qaadka cuna, oo sannaddadii u danbeeyey si xawli ah ugu soo badanayay deegaannada ay Soomaalidu degto. Qaadku waxa uu noqday wax lagu quraacdo, lagu qadeeyo laguna casheeyo. Dadka cunaa waxay isugu jiraan kuqo garanaya dhibkiisa, kuwo marqaankiisu madax-maray, kuwo marna cuna mar-na iska daaya iyo kuwo si kalle ah u qayila sida dhammaadka todobaadka (Khamiista amma Jimcaha).

In badan ayaa laga hadlay dhibaatooyinka Qaadka. Siyaabo kala duwan ayaa loo daraasadeeyey , looga dooday, loona caddeeyey inuu yahay daroogo halis ku ah caafimaadka qofka gaar ahaan dadka sida bilaa arxanka ah u cuna ee hadh iyo habeen dabada isugu haya. Marar badan ayaa la shaaciyey inuu yahay shay si xun u burburiya dhaqaalaha qofka iyo ka qarankaba. Dowlado badan oo caalamka ku yaalla ayaa dalkooda ka mamnuucay in la soo geliyo ka dib markii ay ogaadeen halista caafimaad iyo ta bulsho ee uu sababo qaadku.

Inkasta oo yoolkeennu aanu ahayn in aynu ka hadalno Qaadka, haddana waxa aynu diiradda saaraynaa cunistiisa. Dadka Soomaalida ah ee ku nool laga soo bilaabi Jabuuti, Somaliland iyo darafyada kala duwan ee Somaliya, Ethiopia iyo Kenya waxay dhammaantood waayo-arag ku yihiin siyaabo qaldan oo loo cuno qaadka. Waxay dad badani qaadka u cunaan si aad moodo in lagu falay, iyaga oo aan u tudhayn naftooda. Kama fikiraan in ilkaha, caloosha, kelyaha iyo wadnuhu in ay yihiin meelaha ugu daran ee qaadku waxyeelo, walow uu si guud iyo si gaar ah ba u saameeyo caafimaadka xubnaha kala duwan ee qofka.

Haddii aanu qofku joojin karayn si xun-u-isticmaalka Qaadka, waxa ugu habboon ee uu samayn karaa waa inuu qorshe u dejiyaa qaabka qayilaadda oo aanu ka dhigin mid jaantaa rogan ah. Waxa kale oo uu samayn karaa soo koobidda saacadaha qayilaadda. Waxaad arkaysaa qof qayilaya isaga oo aan biyo, sharaab, amma shaah midna aan isticmaalayn. Taasi waxay sababaysaa in qaadka qallaalani calooshiisa saamayn ku yeesho. Waxaana khuburada caafimaadku sheegaan inuu horseedo xanuunno halis ah oo caloosha ku dhaca sida calool-istaagga, qabsinka iyo hab-sami u socodka shaqo ee dheef-shiidka cuntatada caloosha oo khalkhala.

Isku soo wada xooriyoo qormadu waxay ku talinaysaa; haddii aanu qofku iska dayn karayn si xun-u-isticmaalka Qaadka, waxa ugu habboon inuu yareeyo isla mar ahaantaana samaysto qorshe adag oo ku haga tub wanaagsan ee qayilaadda. Inuu qofku ogaado naftiisu in aanay ahayn dhagar amma wax aan digigixanayn/damqanayn. Inuu ogaado inuu xabbad/rasaas isla dhacayo. Inuu ogaado in naftu u baahan tahay ilaalin, daryeel, u-tudhis iyo ka warhayn sugan. In uu qofku ahaado mid xaqiiqo-ku-nool ah. In aanu qofku noqon daba-socod ay hogaamiso hiwaayadda ay naftiisu jeceshay ee bilaa nafciga ah. Inuu qofku noqdo mid go’aan qaadan kara (decision maker). Ha ogaado qof waliba in qaadku yahay qaatil (dilaa) qudha ka jaray dad aan tiro lagu koobi karayn.

Heersare 2014

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.com

Oodweynenews.com, Hargeya Office

http://heersaremuxumed.blogspot.com/