Xukuumadda Siilaanyo oo ku Fashilantay inay Wax u qabato Abwaan Afgudhiye, Siduu yahay & Gurmadka uu u Baahan yahay

ABWAAN AXMED SICIID DIIRIYE (AFGUDHIYE) 1

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa ku fashilantay inay wax u qabato, isla markaana Dhakhtar dibedeed geyso Abwaanka Cabqariga ah ee Axmed Siciid Diirye (Abwaan Afgudhiye), kaasoo muddo sannad iyo bil ah xaalad caafimaad-darro u jiifay Cusbitaal ku yaalla magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ka dib markii Faalig ku dhacay.

ABWAAN AXMED SICIID DIIRIYE (AFGUDHIYE) 1
ABWAAN AXMED SICIID DIIRIYE (AFGUDHIYE) 1

Abwaan Afgudhiye oo muddo 13 bilood ah Xanuunkaasi hayey, ayaa ka dhexeeyey mar uu Gurigiisa oo Boorama ku yaalla jiifay iyo mar uu Cusbitaalkaas yaallay, ayaanay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo uu Shaqaaleheeda ka tirsanaa aanay haba-yaraatee waxba u qaban, isla markaana waxay ku mushahar-siisaa derajada (Grade) C oo ah derajada ugu hoosaysa ee Mushaharka ay ku qaataan Shaqaalaha dawladda Somaliland.

Inkasta oo uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) mar uu Boorama Idaacad FM ah ka furayey u joogay uu isku-sawiray, haddana nasiib-darro ma jirto wax ay Xukuumadda iyo Wasaaradda uu ka tirsanaa toona u qabteen, xataa hadday tahay wax Dawada lagaga bixiyo

Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Afgudhiye), ayaa ah Nin Maskax u saaxiib ah,, isla markaana ka mid ah ama hormuud u ah Foolaadka Hal-abuurrada wakhtigan. Waxaanu Curiyey Suugaan badan oo kala duwan oo macno iyo miisaanba u leh guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, aadna loo dhegaysto loogana faalloodo Fankiisa ama Suugaanta uu Curiyo Abwaan Afgudhiye.

Muwaaddiniin isku dayey inay dibedda Caafimaad ugu qaadaan oo Dhaqaale iska ururiyey oo intooda badani dalka dibeddiisa ku sugnaayeen, ayaan ku guulaysan inay Caafimaad dibedeed u qaadaan, ka dib markii Abwaanka laga soo celiyey magaalada Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo loo sii dhaafin lahaa dalka Hindiya, balse ay Diyaaradda Hindiya u qaadi lahayd diidday inay qaaddo Abwaanka oo aan Cidi la socon, iyadoo Ciddii Raaci lahaydna arrin dhaqaala-darro suuragal ka dhigi wayday, sidaasna dib loogu soo celiyey Somaliland, isagoo wakhtigan lagu hayo Gurigiisa magaalada Boorama, xaaladdiisuna ay sidii hore aad uga sii dartay sida ay Saxaafadda u sheegeen Ehelada Abwaan Afgudhiye.

Sidaas daraaddeed, waxa uu Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Afgudhiye) u baahan yahay Gurmad ay u fidiyaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, hadday Qurbo-joog yihiin, hadday Ganacsato yihiin, hadday Shaqaale yihiin iyo hadday dawlado ama Maamullo tahay-ba, waxa uu u baahan yahay Gurmad aan loo kala hadhin oo Dhakhtar dibedeed lagu geeyo Abwaanka, taasoo xag Aakhiro iyo xag Adduun-ba u fiican inay gurmadkaas ka qayb-qaataan cid kasta oo awoodda oo Maskax iyo Maalba ka geysan karta sidii Dhakhtar dibedeed loogu qaadi lahaa Abwaan Afgudhiye.

Cidkasta oo ka damqata xaaladdan waxa hubaal ah in Allaah u naxariisan doono Aakhiro iyo Adduunkaba, waxaanay ciddii caawimada gurmadkan loo galayo Abwaan Afgudhiye ka qaybqaadanaysaa waxa ay awooddo ama Dhaqaalaha loo ururinayo wax ku darsan kartaa ugu soo hagaajin kartaan Sanduuq Xisaabeedka (Account Number)-ka Halkan hoose ku qoran:-

Account Number 2930 Dahabshiil

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.