Ma Jeceshahay?! Qalinka Suxufi Siciid Xagaa Afrax

Kama hadlayo quruxda jidh ahaaneed ee joogga iyo Jamaalka Ruuxa uu leeyahay ku xidhan, kamana hadlayo dhererka iyo dhumucda uu ALLAAH ku mannaystay. Akhriste marka hore ogsoonoow quruxi waa tii Alle subxaanahu watacaallaa kuu dhaliyay lama beddeli karo lamana doorin karo.

SICIID XAGAA AFRAX

Ha-yeeshee, waxaa jira mid adiga kugu xiran. Una baahan kaliya sida aad u maareyso. Waxaa ugu horeeya kalsoonida waayo kalsoonida waa midka ugu muhiimsan soo jiidashada iyo tayada qofka uu leeyahay.

In qurux aad yeelataa ma ahan wax adag sida aad u fekeri karto. Kaliya waxaad u baahan tahay in aad raacdo tusaalooyin kuu sahlaya in aad u noqon karto qof qurux badan dadka uu la noolyahayna farxad geliya marka ay arkaan. Inkasta uu caqliga dadka ku kala duwan yahay micnaha iyo habka quruxi loola jeeda haddana.

Kama hadlayo quruxda jidh ahaaneed ee jooga iyo jamaalka ruuxa uu leeyahay ku xidhan, kamana hadlayo dhererka iyo dhumucda uu alle ku maneystay ruuxaa ee waxaan ka hadlayaa tii horay xigmaddan looga yiri (Doqoni qurux bey sugtaa)

Aan ku tilaamo meesha ugu horeysa jirka bini’aadamka ee nuurka iyo muuqa qofka laga dareemo waa meesha ruuxa laga garto eegmada koowaad waa halka ugu muhiimsan ee micno u sameysa ruuxa waa halka qiimaha gaarka ah u leh uuna kaga soocan yahay bulshada inteeda kale waxaana tusaale kuugu filan muhiimadeeda (WEJIGU WAA BAASABOOR ).

Wejiga waxaa ku yaala laba indhood, san laba duleel leh, af ilko iyo carrab leh dhamaan shaqo mid kasta gaarkiisa ah ayuu kaaga baahan yahay kuma filna FOOL-DHAQASHO kaliya .

Si quruxdaada u soo baxdo wejigaaga maalin kasta laba jeer ayuu kaaga baahan yahay in aad si gaar ah u dhaqdaa waxaadna isticmaashaa hadba wixii aad kari karto marka laga reebo dawada kiimikada leh. Indhaha iyo sanka fadlan si gaar ah nadaafadooda u ilaali.

In ay quruxdaadu soo baxdaa waxaa ka mid ah in aad ilkahaaga nadiifisaa cadayataa ugu yaraan laba jeer maalintii waayo muuqaalkaaga ayey qeyb ka tahay. iska ilaali in isla marka aad cuntada cunto aad markiiba cadeyato sug ugu yaraan 10 daqiiqo . Ku dadaal luq-luqashada si neeftaaadu u noqoto mid wanaagsan.

Si quruxdaadu u soo baxdo uma baahnid waxyaabaha loo yaqaan MAKEUP waxaad sameysan kartaa waxyaabo guriga aad ku sameysan karto waxna aan kuu dhimeyn. La tasho dhaqtar isticmaal waxyaabaha waddaniga ah ee dalka laga helo.

Dharka aad xiraneyso qeyb ayey ka tahay quruxdaada inkasta uu dooqa xukumo ruuxa haddana ku gula talin maayo in aad FASHION ka dhigato dharkaada. Xiro dhar ku haboon hadba xiligga aad joogto tusaale dharka mad madow haddaad xili kuleyl ah oo dhididka badan yahay aad xirato kama qeyb qaadaneyso quruxdaada waayo wejigaada wuuba dhididayaa wuuna ku gubayaa dharka madow qoraxda ayey soo jiitaan.

Si kalsoonidaada aad u dhisto raac tusaalooyinkan laga yaabee in ay ku caawiyaan: 1-Marka aad dad la kulmeyso u istaag qaab wanaagsan ha is qalqaloocin qaabka wanaagsan oo loo istaagaa quruxda ayey ka mid tahay.

2-Marnaba haku tusaala qaadan Aktarada filimaanta iyo kuwa modelka sameeya ogsoonow waxaasi dhab maaha mana aha nolosha aad arkeysaa mid dhab ah waa jiliin loogu talagalay kaliya.

3-Ha ku xukumin naftaada in aad qof xun tahay adigoo ugu tusaala qaadaya qof kale quruxdiis

4-Is bar naftaada oo ku dabbaq in aad leedahay oo aad dheertahay wax ka duwan dadka kale

5-Jooji in aad ku fekerto habka diidmada waayo waxey kaa qaaddaa kalsoonida ilaa aad isku aragto qof fool-xun .

6-Hadduu qof ku yiraahdo mashaa allaah waad nuureysaa maanta ku dheh mahadsanid xitaa hadduu ula jeedo xumaan.

Qormo kaliya kuma soo koobi karo quruxda wixii aan qaldan raali ka ahaada wixii aan saxayna wan ku mahadsanahay.

Sxagaa@hotmail.com.