Masuul UCID ka tirsanaa oo isu casilay hadal Guddoomiye Faysal ka soo yeedhay awgii

Hargeysa(Aftahannews):- Masuul ka tirsanaa Xisbiga Mucaaridka ah ee UDIC, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii uu Xisbigaas ka hayey, ka dib markii Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ku hanjabay inuu wadahadal gaar ah la furayo Soomaaliya haddii ay Xukuumadda Somaliland Mucaaridka ka qaybgelin waydo wadahadalka la filayo inuu bishan u bilaabmo Soomaaliya.

Cabdi-Maxamed-Saleebaan-Migiste

Xoghayihii Arimaha Guddaha iyo Xidhiidhka Gobollada ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Cabdi Maxamed Saleebaan (Migiste), ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii iyo xubnimadii uu ka hayey xisbiga UCID.

War-saxaafadeed uu caawa soo saarar Mingiste, ayuu ku yidhi; “Iska casilaad Xilkii Xoghayaha Arimaha Gudaha ee aan ka hayey Xisbiga UCID iyo Xubinnimadiiba. (Runtii waa wax lala yaabo, hadalka Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ee ah Xisbiyada Macaaridka ah waxay wada hadalo la furayaan Dowlada Soomaaliya.

Waxaan qabaa in ay haboonayd in marka hore Xisbi ahaan in laga wada tashado inta aan lagu dhawaaqin hadalka. Ka dib markaan la tashaday taageerayaashayda Siyaasadeed. Ka dib markaan arkay in ay gebi ahaanba meesha uu ka baxday wada tashigii, wada shaqayntii iyo istix-gelintii Xisbinimo.

Ka dib markaan arkay in Xeerarkii iyo qab-dhismeedkii Xisbiga UCID ay noqdeen qaar jeebka ugu jira shaqsiyaad gaar ah. Waxaan go’aansaday in maanta oo ay taariikh-du tahay 06.01.2014 in aan si rasmi ah isaga casilay Xilkii aan ka hayey Xisbiga UCID ee ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobollada, Xilkii Guddida Fullinta iyo ka Xubinnimada Xisbiga oo la ii magacaabay 12.07.2012.

Ugu dambeyn waxaan halkan uga mahad celiyaa dhammaan taageerayaasha Xisbiga UCID meel kasta oo ay joogaan-ba ee aanu soo wada shaqaynay muddadii aan Xilka hayey.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.