Booliska oo Xuska 22-guuradooda ku soo bandhigay Tirada Dembiyada 2015 ka dhacay Somaliland

????????????????????????????????????

Midkee hoos u dhacay dhibaatooyinka Dilalka, Kufsiga iyo Shilalka Gaadiidka, Maxaad-se ka ogtahay Tirada Carruurta Sannadkan la tuurey, Inta Saqiirtey iyo Inta nool?

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaanka Hawlgalinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale, ayaa Munaasibad loo sameeyay Xuska 22-guurada aasaaska Ciidammada Booliska ka sheegay tirada guud ee Dembiyada sannadkan ka dhacay dalka, kuwaas oo isugu jira Kufsi, Shilal, Dilal iyo dunuubaha kale.

Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale, ayaa Warbixin uu Maanta ka akhriyey Xuska 22-guurada Aaasaaska Ciidanka Booliska Somaliland oo lagu qabtay Taliska guud ee Booliska ee magaalada Hargeysa oo ay Madaxweynaha iyo Masuuliyiin kale ka qaybgaleen, waxa uu ku soo bandhigay Tirada guud ee Dunuubta dalka ka dhacay, ayaa sheegay in dilalka dalka sannadkan 2015-ka ka dhacay yihiin 61, halka dadkii geystayna gacanta lagu dhigay 55 ka mid ah, waxaana baxsaday 6 gacan-ku-dhiigle, isagoo intaas ku daray inuu jiro hoos-u-dhac yar oo ku yimid dilalka dalka ka dhaca marka la isbarbar-dhigo sannadkan iyo sannadkii hore.

“Mudane Madaxwayne tirada guud ee Dambiyada Sannadkan 2015-ka dhacay waa 18,252, inta beenowday waa 2,888, inta heshiis lagu dhameeyay waa 2057, inta baadhista ku jirta waa 1,725 kiis, inta Maxkamadda loo gudbiyey waa 6,582 kiis, taas oo u kala kacaysa inta la xukumay oo dhan 3,335 iyo 3,247 Rumaan ah. Tirada dilalka ee Sannadkan dalka ka dhacay waa 61 dil, inta Gacan ku dhiigle ee la qabtay waa 55, inta baxsateyna waa 6. Sannadkii hore ee 2014-kii waxa dalka ka dhacay 65 Dil, sannadkana 61 dil, waxaana hoos u dhacay 4.” Sidaa ayuu yidhi Hoggaanka Hawl-gelinta Booliska Somaliland.

Hoggaanka Hawl-galinta Booliska Maxamuud Ducaale, waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Tirada kufsiga ee Sannadkan dalka ka dhacay waa 80, inta eedaysan ee gashayna waa 100, inta eedaysan ee loo qabtay waa 85, inta la raadinayaana waa 15. Sanadkii hore kufsiga dalka ka dhacay wuxuu 148 kufsi, sannadkana waa 80, waxay hoos u dhaceen 68. Sannadkan Shilalka Gaadiidka ee dalka ka dhacay waxay noqotay 2009 Shil, waxa ku dhintay 119 qof, waxa ku dhaawacmay 1,714. Inta Gaadiid ee khasaare soo gaadhay waa 1,583, Xoolaha khasaaruhu ka soo gaadhay waa 235, khasaaraha dhismayaasha waa 144.”

Maxamuud Ducaale oo sharraxaya heerka u dhexeeya dilalka sannadkii hore iyo kuwa sannadkan Somaliland ka dhacay, waxa uu yidhi; “Sannadkii hore Shilalka dalka ka dhacay waxay ahaayeen 1,975 Shil, halka ay sannadkan ka noqdeen 2009 Shil waxayna sare u kaceen 34, waxaana Shilalka gaadiidka sababaya Gaadiidka oo maalin walba soo kordhaya oo badanaya, masuuliyad-derada Wadayaasha iyo Xawaaraha Gaadiidka oo aad u dheeraynaya.”

Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale waxa kale oo uu ka hadlay tirada Carruurta Sannadkan la tuurey, waxaanu yidhi; “Mudane Madaxwayne Carruurta Sannakan la tuurey waa 8, inta dhimatay waa 5, inta noolna waa 3, halka sannadkii hore Carruurta la tuurey ka ahaayeen 13. Iska hor imaadyada Booliska iyo dadweynaha ee Sannadkan waxay ahaayeen 5 iska hor-imaad, tirada dhimashaduna waa 6, tirada dhaawacu waa 12, Goobaha ay ka dhaceenna waa Hargeysa, Awdal iyo Sool.”

Hoggaan Ducaale, waxa kale oo uu ka hadlay tirada Mukhaaddaraadka ee sannadkan la qabtay, waxaanu yidhi; “Mudane Madaxwayne Mukhaadaraadka Sannadkan la qabtay wuxuu noqday 5,250 litir oo Khamri, Xashiishadda aanu qabanay waxay noqotay 15KG iyo 144 duub oo Xashiishada, tirada eedaysanayaasha aanu ku qabanay waa 24 iyo 5 Baabuur, dhammaantoodna waxaanu horgeynay Maxkamadda Sharciga ah.

Waxa kale oo uu soo bandhigay dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay Ciidammada Booliska Somaliland Sannadkan waxaanu yidhi; “Dhimashada soo gaadhay Ciidammada Boolisku waa 5 Askari, tirada Booliska ah ee dhaawactay waa 75.”

Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale waxa kale oo uu khudbaddiisa ku sheegay in Waaxda Miinada ee Ciidammada Boolisku ay sannadkan soo ururiyeen 2, 781 miinooyin iyo waxyaabaha Qarxa ah isla-markaana deegaanno ka mid ah Somaliland ka fuliyeen wacyi-gelin ku saabsan khataraha walxaha Qarxa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.