Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka Ah ee Urur-goboleedka IGAD

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD Ambassador Mohamed Abdi Afey oo bishii December loo magacaabay xilkan cusub.

640x427x2121.jpg.pagespeed.ic.imc-_x8Gll

1151

590x394x391.jpg.pagespeed.ic.fWUbQLUzcY

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD Ambassador Mohamed Abdi Afey, ayay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo la xidhiidha ammaanka iyo arrimaha horumarinta dalka Soomaaliya.

Ambassador Afey, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu maanta Madaxtooyada ku soo booqdo Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana u ballan-qaado sida ay uga go’antahay inuu Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo arrimaha amniga iyo horumarka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey Ambassador Afey xilkan cusub, isla markaana sheegey in IGAD iyo Dowladda ay wax badan ka soo wada shaqeeyeen, haddana la doonayo in aragtida fog ee dowladda laga shaqeeyo sidii loo fulin lahaa oo dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa marxalad uu shacabku ku faani karo isla markaana caalamka aan kaalin fiican ka qaadan karno.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.