Wasiirka Macdanta oo shuruud ku xidhay u gudbinta Golaha Wakiillada Heshiisyada uu galo

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, oo shalay hor tagay Mudanayaasha Golaha Wakiilada, ayaa Shuruud adag ku xidhay inuu Heshiisyada caalamiga ah ee ay Shirkadaha Ajaanibka ah la galaan u gudbiyo Golaha Wakiillada oo Sharcigu siinayo in la horgeeyo Heshiisyada heer caalami ah ee ay Xukuumaddu gasho.

HESHIISKA SHIDAALKA SOMALILAND

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland waxa uu ku dooday in qodobka 53-aad ee dastuurka Somaliland oo Golaha Wakiillada awood u siinaya inay eegaan heshiisyada caalamiga ah ee Xukuumaddu gasho, uu madow ku jiro, isla markaana ay Mudanayaasha Golaha Wakiillada laftoodu isku haystaan tafsiirkiisa, sidaa daraadeed-na, marka la kala caddeeyo ay diyaar u yihiin inay heshiisyada u gudbiyaan.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale, oo ka jawaabay dhowr su’aalood oo Mudanayaasha Golaha Wakiiladu waydiiyeen mar uu maanta hor-tagay, ayaa isaga oo ugu horreyn ka hadlaya waxqabadka Wasaaraddiisa yidhi; “Golahan Sharafta leh waa markii saddexaad ee aan hor imaado, Wasaaradda aan masuulka ka yahay waa Wsaaradda Macdanta iyo Tamarta, markaynu ka hadlayno Tamarta waxa hoos imanayo, shidaal baadhis, waxa masuuliyaddayada ka mid ah horumarinta iyo kala xadaynta korontada aynu isticmaallo, dhalinteeda, qaybinteeda iyo waxyaalaha kala duwan ee korontada laga dhalin karo.”

“Masuuliyadda ugu weyn ee wasaaraddani ku hawlan tahay waa shidaal baadhis iyo shidaal soo saarista, laakiin markii aan masuuliyadda Wasaaradda qaaday 2010-kii waxaanu ku soo beeganay abaarihii ugu waaweynaa mid ka mid ah, taasina waxay na saartay masuuliyad ah inaanu wax ka qabano xagga biyaha, mudadaana waxaanu qodnay ilaa 50 ceel, mashruucii biyood ee ugu weynaana waanu soo xero galinay oo ah mashruuca hadda socda ee dhowr iyo lataabanka Milyan ah ee Hargeysa oo weliba gaadhaya dhowr Magaalo oo kale, mashruucaa soo xero galintiisana annaga ayaa masuuliyaddeeda lahayn, mashruucaasina si wanaagsan ayuu u socdaa.”

“Xagga Macaadinta haddaan taabto, dhowr liisan ayaanu bixinay oo aanu siinay shirkado caalamiya, saddex ka mid ah ayaanu is nidhi ha idiin baadhaan Macdanaha waaweyn ee ka mid tahay birta, dhuxusha iyo dahabka, saddex shirkadood ayaa baadhay, laakiin ilaa hadda may helin wax ka ganacsi gali kara, markaa xagga macdanahaasi midho dhalkeedii weli wuu laalan yahay.”

“Laakiin wali kamaanu hadhin. Waxyaabaha aanu qabanay, waxa ka mid ah, annigu waxaan ka qayb-galay shirar badan oo caalamiya, oo uu ugu dambeeyay kii dalka Austarelia oo aan dhowr kun oo shirkadood u bandhigay khayraadka dalkeena, shirkadahaasina waxa laga yaabaa inay sanadkan inoo yimaadaan, waxa kale oo noo qorshaysan in anniga iyo Agaasimaha Waaxda Macdantu aanu ka qayb-gallo shirkii ugu weynaa adduunka ee ku saabsan Macdanaha, kaasi oo ka dhacaya Magaalada Capetown, shirkaasina dawlad ahaan ayaa lanoogu casuumay, waxayna noqon doontaa markii ugu horeysay ee calankeenu ka dhex muuqdo dhowr iyo toban waddan oo Afrikaan ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Macdantu.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo la waydiiyay waxa shirkadaha shidaal baadhistu u faa’ideynayaan deegaanada ay hawsha ka bilaabayaan ayaa ku jawaabay; “Deegaanka aynu ka shaqeynaynaa maaha dal ajanabi ah, dalkuna waa dalkii aynu ku wada dhalanay ee aynu xoolaha ku raacaynay, markaa sida loo ilaashanayo iyo lexejecladu waa mid gidigeen ku wada jirta, hadday wasiirka noqoto iyo haddii ay wakiilada noqoto. Shirkadaha imanayana inagaa dalbanay oo ugu yeedhnay inay wax inoo baadhaan, lacagtooda ayay galinayaan, weliba waxaanu ku qancinay in Somaliland yahay dal la iman karo oo la maalgashan karo, markaa heshiiska lala galayo shirkadahani waa in lacag ay iyagu leeyihiin khasiraan oo ay wax inoo baadhaan, hadday wax helaana aynu qaybsano, hadday wax ka waayaana waxba inooma raacayaan Malaayiintaa kaga baxday.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Mida kale, shirkaduhu dalka uma imanayaan inay deegaanka horumariyaan, dabcan inay baa’biiyaana maaha oo annaga ayaa ilaashanayna, laakiin deegaanka ay shirkaddu ka shaqeynayso waa inay mashaariic horumarineed oo aan badnayn u qabato, laakiin dawladdu kuma qabsi karto oo heshiiska ayay ku qoran tahay.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in qodobka 53-aad ee dastuurka oo Golaha Wakiiladu ku doodayo inuu awood u siinayo inay eegaan heshiisyada Wasaaraddu la gasho shirkadaha shidaal baadhistu uu muran ku jiro, waxaanu yidhi; “Qodobka 53-aad ee dastuurka, Annigu waxaan u arkaa inay doodi ka taagan tahay, oo golaha Golaha Wakiilada laftiisa ayay doodi ka taagan tahay qodobkaa, doodaasina waa dood weligeedba soo socotay, markaa haddii heshiisyadu yihiin kuwa uu ku salleeyahay qodobkani (Heshiisyada shidaal baadhista), annagu marna is hor taagi mayno tafsiirkiisa ee diyaar-baanu u nahay inaanu soo gudbino heshiisyada.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.