Maamulaha Cisbitaalka Badhan oo eedayn u jeediyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka

Badhan(Aftahannews):- Agaasimaha Cisbitaalka guud ee magaalada Badhan Axmed Jibriil Cali, ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ku eedeeyay inuu gaadhi Ambilaas ah oo Wasaaraddu hore ugu wareejisay Cisbitaalka Badhan u wareejiyey Cisbitaalka magaalada Ceel-Afweyn oo uu xusay inuu Agaasimaha guud ka soo jeedo.

biiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiir

Agaasimaha Cisbitaalka Badhan, waxa uu sheegay in markii taasi Agaasimaha guud u hirgaliwayday uu muddo lix bilood ah ka jaray shidaalkii gaadhigaasi ku shaqeynayey iyo gunaddii la siin jiray dirawalka Ambilaaska, taasi oo uu ku tilmaamay mid caddaala daro ah, waxaanu fariin u diray masuuliyiinta xukuumadda ee arrintani khusayso.

Qoraal uu Agaasimaha Cisbitaalka Badhan soo gaadhsiiyey caawa Shabakadda Aftahannews.com Xafiiskeeda Hargeysa, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

 “Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Warbixin ku saabsan Gaadhiga Ambulance ka ah oo ay bixisay Hay’adda IFAD iyo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo qaybisay oo ay ugu deeqday Cusbitaalka gobolka Badhan. Gaadhigaasoo loogu talo-galay Hooyada umulaysa ama dhiig-baxaysa in loogu gurmado.

Gaadhigaas oo ka mid ahaa Gawaadhi dhowr ah oo ay Wasaaradda Caafimaadku qaybisay taariikhdu markay ahayd 04/2013 wakhtigii uu Wasiirka caafimaadku ahaa Dr. Xuseen-Xoog, waxaa saddex bilood ka dib Isbedel lagu sameeyey maamulkii Wasaaradda Caafimaadka iyadoo la beddelay Wasiirka Caafimaadka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas.

Intaas ka dib Masuuliyiintii lagu beddelay gaar ahaan Agaasimihii cusbaa wuxuu soo jeediyey in gaadhigaas dib loo soo celiyo si loo siiyo magaalada Ceel-afweyn oo uu isagu deegaan ahaan kasoo jeedo, ka dib markii  uu wax sabab ah uu waayey oo lagu soo celiyo gaadhiga wuxuu ka jaray lacagtii gaadhiga Shidaalkiisa Hay’addu ugu talo-gashay iyo gunnadii Dareewalka iyo kalkaalisada ku shaqeeya gaadhiga, isla markaana lacagtii uu u wareejiyay magaaladiisa Ceel-afweyn muddo lix bilood ahna ay lacagtaasi maqan tahay, isla markaana masuuliyiinta gobolka Badhan kasoo jeedaana ay ku fashilmaan inay wax ka qabtaan, iyagoo muddo ka daba wareegayey Wasiirka Caafimaadka oo isaguna sidoo kale aan waxba ka qaban arrintaas.

Sidaa awgeed, waxaa halkaas ka muuqata caddaalad-darrado, markaa waxaa is weydiin mudan ma gobolka Badhan baan Somaliland ka tirsanayn mise siyaasaddii Somaliland baa la baddelay oo waxaa loo rogay hab kale?

Waxaannu Xukuumadda Sharafta leh ka codsanaynaa in arrinkaas wax laga qabto oo ay muujiso wax caddaalad ku dhisan.. Wabilaahi towfiiq. Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Badhan, Mr. Axmed Jibriil Cali.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.