Liiska Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Puntland u tartamaya oo la shaaciyey

Garoowe(Aftahannews):- Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee Maamul-goboleedka Puntalnd, Puntland, ayaa caawa shaaciyey Magacyada Musharrixiinta ka qaybgelaya doorashada jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, kuwaasoo labada xubnood ee labadaas jago ku  kala guulaystaa ay xilka hayn doonaan muddo shan sano ah.

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad

Guddoomiyha Guddiga doorashada Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, ayaa wax yar ka dib markii uu soo idlaaday waqtiga qabashada araajida murashaxiintu, wuxuu warbaahinta usoo gudbiyey liiska murashaxiinta rasmiga ah ee ku tartami doona doorashada dhici doonta maalinta Arbacada ee ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2014.

Magacyada murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa kala ah:

    C/raxmaan Maxamed Faroole

    Cali Xaaji Warsame

    Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

    Shire Xaaji Faarax

    Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yeey

    Cali Cabdi Awaare

    Cali Cabdiqaadir Yuusuf

    Cabdiwali Maxamuud Guray

    Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke

    Cabdilaahi Siciid Samater

    Maxamed Cabdinuur Xirsi

Xilka madaxweyne ku-xigeenkana waxaa u tartami doona:

    Cabdisamad Cali Shire

    Daahir Xaaji Khaliif Maxamed

    Cabdirisaaq Maxamed Cumar

    Maxamed Xirsi Ducaale

    Maxamuud Caydiid Dirir

    Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)

    Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar

    Xusen Xaashi Xasan

    Cabdilaahi Cali Xirsi (Tima-cadde)

    Cabdilaahi Daahir Maxamuud.

Salaasada Berri Berri ah ayey murashaxiintu Golaha Wakiillada ka hor jeedin doonaan taariikh-nololeedkooda oo kooban iyo weliba mid waliba waxa uu qaban doono haddii uu doorashada ku guulaysto oo Madaxweyne ama Madaxweyne ku-xigeen ka noqdo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.