Maxkamadda Ciidammada oo dil ku fulisay Nin Askari ahaa

Muqdisho(Aftahannews):- Maxkamada Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Askari ka tirsanaa Ciidammada dowladda  oo hore Maxkamaddu u xukuntay, ka dib markii ay ku heshay inuu dil geystay.

Maxkamadda

Xukunka oo ka dhacay iskoolka booliska ayaa waxa goob-joog ka ahaa gudoomiyaha Maxkamada Liibaan Caliyow, kaasi oo isagu hore u xukumay askariga Maanta xukunta dilka ah lagu fuliyey.

Askariga xukunka lagu fuliyay oo Magaciisu ahaa Maslax Ciise Iimaan, ayaa ka mid ahaa ilaalada gudoomiyaha degmada Hawl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Askariga ayaa lagu helay inuu qudha ka jaray dilka wiil ardey ah oo lagu magacaabi jirey Cumar Maxamed Axmed, waxaana uu ku diley isla degmada hawl-wadaag.

Dhanka kale, Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay iney jiraan xukunno kale oo dil ah, kuwaas oo maxkamaddu fulin doonto maalmaha soo socda.

Aftahannews.com

Muqdisho/Office/Soomaaliya.