Maxamed Kaahin oo qaaddacay qoraal Madaxweyne Ku-xigeenku isugu yeedhay Guddiga Fulinta KULMIYE

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbil-xaakimka KUKLMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sharci-darro ku tilmaamay qoraal uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) shir degded ah uu isugu yeedhay Xalay Guddiga Fulinta ee Xisbigaas, kaasoo uu ku faray Md. Saylici inay shir degdeg ah isugu yimaaddaan gelinka dambe ee maanta gurigiisa magaalada Hargeysa.

maxamed-kaahin

Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Maxamed Kaahin, ayaa maanta soo saaray qoraal uu kaga jawaabayo yeedhmada Madaxweyne Ku-xigeenku isugu yeedhay Guddiga Fulinta KULMIYE. Waxaanu War-Saxaafadeedka uu maanta soo saaray Maxamed Kaahin Axmed u dhignaa sidan:-

“REF:  XK/XG/004162/2014                                                        Date: 06/01/2014  Warsaxaafadeed

Shirweynaha 3aad ee xisbigha KULMIYE waxa uu ku mudaysanyahay 21/01/2014, hawshii shirweynaha  waxa gacanta ku haya Gudiga Qabanqaabada ee loo xilsaaray diyaarinta iyo abaabulka shirweynaha, waxaanna u qabsoomay guddiga:

In la doortay  Guddoonkii Guddiga oo kala ah;

Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeenno, xoghaye iyo Afhayeen

Waxay diyaariyeen  xeer-hoosaadkii hagayey hawlaha Guddiga

Waxay magacaabeen  Guddi-hoosaadyadii u xilsaarnaa hawlaha kala duwan ee Qabanqaabada, Waxay diyaariyeen qorshe hawleedkii  (work  plan) guddigu ku shaqaynlahaayeen.

Hawlahaas oo dhammaan ay guddiga Qabanqaabadu si madaxbannana u fuliyeen, sidaa darteed, hawlihii Qabanqaabada shirweynuhu waxay u socdaan si habsami ah,  shirweynuhuna waxa uu qabsoomayaa muddadii loogu talogalay sida uu dhigayo xeerka xisbiga KULMIYE.

Fadhiyada Guddiga fulinta xisbiga waxa isugu yeedhi kara Guddoomiyaha xisbiga, ajandeyaasha Guddigana  waxa diyaarinaya Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

Sidaa darteed, warqada uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhayo Guddiga Fulinta ee waliba uu ugu yeedhayo gurigiisa uu ku noolyahay, waxa ay baalmarsantahay sharciga iyo hab-dhaqanka xisbiga.

Arrintaasina waxay muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami-u-socodka  hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga, kaas oo  ka gudbay marxalado badan oo hore. Xubnaha Gudiga Fulintana waxa lagu wargalinayaa in aan shirkaasi waxba jirin. Allaa Mahad leh.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.