Saxaafadda oo markii u horraysay yeelanaysa Diyaaradaha Drones-ka

Jaamacadda Nebraska, ayaa markii u horraysay soo bandhigtay Diyaaradaha Droneska oo ay ugu tallo-galeen inay istimaasho saxaafaddu.

Diyaaradaha Droneska oo quwadaha caalamku u adeegsado dagaallada iyo basaasidda, ayaa waxay markii u horraysay ka mid noqonaysaa mid ka mid agabka saxaafaddu ku hawlgasho, iyadoo Jaaamacaddu soo bandhigtay diyaarado aad u yar yar oo ay ku xidhantahay kamarad loogu tallo-galay inay wax duubto.

Macluumaad kooban oo ninkadiyaaradda sammeeyay kabixiyay waxauu sheegay in Diyaaraddan oo qiimaheedu dhanyahay 15000 oo dollar ay u isticmaali doonaan Hay’adaha Warbaaineed Goobaha ay ka dhacaan masiiboyinku, sida  daadadka, Dabaylaha, Mudaraadka iyo inay muuqaallo cilmiyeed ka qaado dhulkaoogadiisa.

Daawo muuqaalka.