Saaxada Fanka Iyo Xidigihii Qurxiyay TV-ga Qaranka!

By: Muste Sheekh Cumar – Tafatiraha Wargeyska Saxafi.

Fannaanka in la oggaado Magaciisa/Magaceedda, in lagu xidhmo dhagaysigooda, dabadeed la qabatimo siddii balwadda oo la xiiseeyaa wax howl-yar ma aha, mana jiro heesaa ama koox magaceedu ka soo horeeyay oo mar qudha caro addeg ku baahday ama dhalatay iyaddoo ruux waliba yaqaan, bal fan kasta oo soo baxaa muddo, waxaana uu shiiqiyaa mid ka horeeyay oo uu sidda mawjadaha bada uga daba-dhaco.

Mustafe Sheekh Cumar

7d13cc638b031f8ce1bae1b0204ae77c_L

Haa, fanaaniitu waa silsilad hebelba ama heblaayaba mid ka horaysay ku taxantahay oo ay si aayar-aayar ah u badalayso. In badan oo horena, waxaan ka waramay murti ka soo fushay hal-abuur ciraystay ama gabyaa sanaddo badan ka soo muuqday fagaarayaasha Tixda Soomaalida iyo fanaan caan ah oo waayo badan dadka raali-gelin jiray. Laakiin, maanta waxaan ka hadlayaa Xiddigaha geeska iyo saameynta ay ku yeesheen da’yarta waqtigan.

Haa, waa koox karti iyo dedaal la timmi oo qabsatay saaxada fanka Soomaalida xiligan, ka dib markii ay fahmeen waxa uu jamanayo dookha wiilka ama gabadha xiligan hana-qaaday. Taasina u soo jiiday in dad badan oo la socota Muusiga casrigga ah oo u dhaga-nugul   daawashadoodu ku raagaan habeenba TV ay uga socdaan waddar ahaan.

Haa, habeen hore oo ugu danbeysay cirkaa la wadda dhawrayay, waayo xidigihii ayaa ka socday TV-ga Qaranka Somaliland. waxaana ay u duween taageerayaal aad u badan siddaan filayo. Haa, Saaxiibkay ayaa ka mid ah oo markii aan kulan doraad ii sheegay arrintaas, kuye: “Xalay intaan TV-ga qaranka daawaday, weligay hore umma daawan,” Dabcan waxaa uu ku daawanayay kooxda ka socotay sida uu qiray.

Laga yaabaa in dadka qaar dhaliilo u hayaan, kuwaasoo ku durra fanaaniinta waayahan danbe  in aanay waqti badan siin Xafidaadda erayadda Tixda iyo tababarka masraxa. Islamarkaana, awoodin inay toos uga heesaan fagaare daawashadiisa loo wadda joogo. Haa, waxay dadka dhaliilaa tilmaamaan in ay sii duubtaan heesaha ay la shir immanayaan. Laakiin, taasi kama horjoogsan quluubta mucaashaqiinta ay u buuxiyeen kaalintii kooxihii la yaqaanay inay ka soo baxaan hooyadda Fanka dhulka Af-Soomaaliga lagaga hadlo, waa Hargeysa’e. “Waa run fanaankii aabahaa dhagaysan jiray addigu ma daawan kartid oo jacaylka uu kaaga sheekeeyaa waa taariikh,. Laakiin, kan maantu waa kula dareen, mana odhan karro dhaliil ma laha. Balse,  casri waliba waxaa uu leeyahay dadkiisa.” Sidan waxa yidhi mid ka mid ah dhalinyaradda la dhacsan kooxdan oo aan su’aalay arragtidiisa.

Si kale uma amaanayo, hase ahaatee, waxaan ka marakacayaa oo ay isla heleen Curiyihii heesta u tirin lahaa, codeeyihii habdhaca ku ladhayay, mulaxankii Muusiga ugu xawaasheynayay, isku duwihii,  heesaagii, farsamo-yaqaankii iyo xattaa Sawir qaadihii. Haa, Intaasiba waa u diyaar  waanan tixi lahaa magacyaddooda hadii aanan ka baqayn inaan qaarkood ka tago. Ta kale, waxay la yimaadeen heeso ay leeyihiin oo aan ku ahayn ergiso, waxa ay soo nooleeyeen rajadda laga qabo in mar uun la arrko in loo hello xeer si rasmi ah u dhawra xuquuqda lahaanshaha maan-maalka, Sababtoo ah waxaa la arkay baahidda TV-yaddu u qabaan wax soo saarka murtida iyo madadaalada, taasina waxay khasab ka dhigaysaa in la siiyo qadarin iyo wuxuun ka mid ah xuquuqdoodda yaanay wadda dhamaane, sidoo kale, waxay daaha ka feydeen baahida bulshadu u qabto wax soo saar tacab iyo dhaqaaleba loo huray oo xiiso iyo xadantiiyo beeri karra. Waxa kale oo ay abuureen tan-tan iyo su’aalo shabakadaha lagu kulmo ee Intarnetka aad uga dhex-muuqday, Markaa, maxaan ugu diidayaa inaan sheego Libintoodda.

Yaan qalin-taraarine, ujeedada qormaddu waa inaan arragtidayda cabiro marka koowaad, tan labaadna waa inaan muujiyo in koox kasta oo isa soo saarta aan la xaqirayne Qalinku ka marag kacayo wax soo saarkoodda ama wax soo saar la’aantooda, ta saddexaad inaan taageero u muujiyo kooxda xidigaha Geeska oo ku idhaa ‘Wixii cusub caalamkaa jecele hore u socda’ iyo ta afraad oo ah inaan laftoodda ku dhiiri-geliyo in isku duubnidda dani ugu jirto oo ay ku yihiin wax weyn,sidaas darteedna looga fadhiyo in ay dedaalkoodda halkaas ka sii waddaan oo aanay u qaadan inay gaadheen halkii ugu saraysay.

Xigasho Wargeyska Saxafi.