5,000 oo Kameradood iyo 100,000 oo Hawl-wadeen oo Sugaya Ammaanka 3 Milyan oo Xaaji Sannadkan

Makka(Aftahannews):- Dawladda Saudi Arabia ,ayaa hawl-galisay 100,000 (Boqol kun) oo shaqaalaha Ammaanka ah iyo 5,000 (shan kun) oo Kamaradood, kuwaasoo korka ka eegaya ammaanka Xujaajta sannadkan gudanaya mid ka mid ah shanta Tiir ee Diinta Islaamka, Dembi-dhaafna Eebbaha sareeya Ka baryaya, iyadoo sannadkiiba mar sidan oo kale Muslimiinta inta Allaah u qoray isugu tagaan magaalada barakaysan ee Mekka.

KAMARADAHA XAJKA 2015 LOO DIYAARIYEY

Ku dhawaad 3 Milyan oo ruux oo dunida dacaladeeda isaga kala yimid ayaa ku wareegaya Kacbada ILAAHAY, isla markaana fulinaya awaamiirta Eebe kor-kooda yeelay maalmihii ugu dambeeyeyna ku jira imika.

Tirada Intaas, Leeg ee sanadkan xajka Gudanaya, waxay xukuumada Sucuudiga, wasaaradeeda Xajku u diyaarisay, ka sokow shaqaalaha 100 ka kun ah ee amaanka sugaya, in ka badan 5,000 oo kamaradaha loo yaqaano CCTV cameras ah oo lagula soconayo dhaq-dhaqaaqooda iyo xaalad kasta oo la soo darista xujaajta si looga gacan siiyo.

Booliis, Taraafii iyo shaqaalaha caafimaadka “DOCTORS” ka ugu heerka sareeya Dunida oo aan tiradooda la qiyaasi Karin ayaa iyaguna heegan ku jiraya ilaa inta ay dib uga soo anba baxayaan Sucuudiga, xujaajtu sanad kasta.

Waa Maalmo qiimo badan Oo ILAAHAY migooda ku dhaafo inta uu ka aqbalo ac-maasha Xajka, niyad iyo quluub saafi ahna ay dib ugala noqdaan, waa maalmo xoogeeya walaalnimada iyo Is Cafinta, qof kasta oo Muslim ahina wuxuu ku taamaa inuu Mar uun xajka soo guto haddii uu awoodo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.