Tirada dad God ku dumay oo ku dhintay magaalada Kismaayo

Kismaayo(Aftahannews):- Shan qof ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyey, tiro kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii uu ku dubay god ama ceel ay ka qodayeen Cidda loo yaqaanno Carro-kaawada oo loo isticmaalo dhismaha kala duwan sida waddooyinka iyo buuxinta buundooyinka oo ay ka qodayeen meel ku dhaw magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

20121231080655

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ku-meel-gaadhka ah ee Jubaland iyo Ciidammada AMISOM oo gurmad ku tegay halkaas, ayaa ku guuleystay inay gunta hoose ee godka ka soo saaraan Meydadka.

Sidoo kale, waxa la xaqiijiyey in uu godkaasi Dumay galabta Abbaaro 03:00 pm ee xilliga Geeska Afrika, hase yeeshee waxaa laga war-helay abbaarihii salaaddii maqrib. warku wuxu intaa ku daray in dad gaadhaya illaa 21 qof la la-layahay oo godkaas laga baadhayo.

Waxaana horrey u jirta goobta kaawada ay ku soo duntay ayaa dhowr  jeer  oo hore soo duntay, iyadoo Khasaarihii ugu badnaa ee la xusuusto uu ahaa dhimashada 30 ruux.

Aftahannews.com

Muqdisho/Office/Soomaaliya.