Kulan Dhex-maray Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo iyo Madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday ee Puntland

Garoowe(Aftahannews):- Madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa maanta qaabbilay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ku Magacaaban Madaxwaynaha kooxda la baxday Khaatumo ee ka dhaqdhaqaaqda degmada Taleex ee gobolka Sool.

FAROOLE IYO KARAASH

DDDDDDDEWEEE

KAAAAAAAAAARAAAAAAAAASH3W

karaash1

Axmed Karaash, ayaa ka hor intii aanu la kulmin Madaxwaynaha Puntland, waxa Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo dadwayne tiro badan kaga hor tageen dibadda Magaalada Garoowe, iyaga oo u galbiyey Madaxtooyada, waxaanu Axmed Karaash oo saxaafadda la hadlay uu sheegay heshiis iskaashi ka dhexeeyo isaga iyo Faroole isla-markaana Khaatumo iyo Puntland isku mid yihiin.

Axmed Karaash, ayaa sidoo kale sheegay inay ku maqnaayeen halgan ay isla ogaayeen Madaxwayne Faroole. “Waxaannu ku maqnayn halgan aannu isla ogeyn Faroole, Khaatumo iyo Puntland-na waa isku mid, Khaatumo waataa halganka ku maqan ee daacadda ah ee dalkeenna inay cadowga ka xoreysato ku maqan, tolkeedna deris wanaag kula noolaato.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Karaash.

Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Laakiin, markii aannu ogaannay in khiyaamo ku jirto Khaatumo waxaannu wadahadal bilownay Maamulka Puntland, waxaannu ku heshiinnay nabadgelyo, derisnimo iyo is-taageersi, dadkuna isku mid weeyaan, waxaannu ogaannay maahmaahdii ahayd; ‘Sakaaro laba Tun oo la kala qalo malaha’ Inaan la qaybsami Karin ayaannu ogaannay.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.