Farshaxanka Amin-Arts oo Sawir Hadlaya ku soo bandhigay dhacdada Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa(AFN):- Farshaxanka caanka ah ee Soomaaliyeed Amiin Maxamed Caamir (Amin-arts), ayaa Sawir-gacmeed cajiib ah ku soo bandhigay dagaal gacan-ka-hadal ahaa oo Sabtidii shalay dhex-maray Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Baashe Maxamed Faarax oo feedh iyo tantoomo iskala daalay.

AMINARTS IYO DAGAALKA SHIRGUDDOONKA BAARLAMAANKA SOMALILNAD

SAWIRRADA OO WAAWAYN KA DAAWO BOGOSKAN HOOSE ADIGOO SAWIRKA DHEXDIISA KILIG-GARAYNAYA, SI AAD U DAAWATO SAWIRKA OO WAYN AMA DHAMMAYSTIRAN

Dagaalka waxaa dhaliyey markii Guddoomiye Ku-xigeenku ku qabsaday hoggaaminta Fadhiga Guddoomiyaha Golahaas, isagoo Baashe markaa ka xanaaqay Mooshin ay soo gudbiyeen Xildhibaannada Muxaafidka ah ee uu isagu hoggaamiyo, kaasoo uu Guddoomiye Cirro-na u cuskaday Xeer-hoosaadka Golaha oo waajibiyey inaan Mooshinkaas lagaga hadlin fadhigan maaddaama isla Kalfadhigan lagaga hadlay, go’aan Golena lagaga gaadhay, Sharciguna dhigayo in Kal-fadhiga dambe la soo gudbin karo. Kaasoo ku saabsanaa soo celinta laalista heshiiska wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo Goluhu hore u laalay.

Haddaba, Farshaxanka Aminarts waxa uu Sawirkan ku muujinayaa sida ay wax u dhaceen iyo sida ay ku yimaaddeen in waxani dhaco, iyo weliba Gacanta ka dambaysay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Xukuumadda iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE lagu eedeeyey, gaar ahaan Madaxtooyada oo Lacag badan ku bixisay sidii Mooshinkaas dib loogu soo celin lahaa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.