“Waa fuul-xumo in la yidhaahdo dhalinyaradii reer Hebel baa halkaa ku shiraysa..” Guddoomiyaha Awdal

Boorama(Aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Awdal Caboo Axmed Aayar, ayaa walaac ka muujiyay waxa uu ugu yeedhay dhaqanno ugub ah oo maalmahan dambe ku soo badanaya bulshada dhexdeeda, kuwaasoo uu si dadban u carrabbaabay inay cudur ku yihiin midnimada bulshada iyo kaalinta ay dhalinyaradu ku leedahay hormarka dalka.

BAdhasaabka-Awdal-1-300x209

Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar, waxa uu farriin u diray dhalinyarada reer Awdal oo uu ugu baaqay inay ka dheeraadaan Qabyaaladda iyo dhibaatooyinka ay keento reer Hebelnimada dhiigga raacda ama dhaqanka laga dhigto.

Badhasaab Cabdoo oo arrintan ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxa baryahan dambe soo badanaya dhaqannada foosha-xun iyo hadalhaynta ah dhalinyarada reer HEBEL ayaa shiraya, arrintaasi waa mid laga naxo, dhalintu ma aha qabiil, mana aha inay ku dhex barbaaraan dhaqanka noocan ah. Waa suuragal in Caqligu aqbalo Odayaashii reer Hebel ayaa shiraya, balse dhalintii reer hebel ayaa shiraysa waa wax aad u xun oo wax u dhimaya midnimada bulshada iyo kaalinta ay dhalintu ka qaadanayso hormarka bulshadeenna.”

“Dhallintu waa hogaamiyayaashii barito, iyo labeentii ay ka soo bixi lahaayeen madaxdii mustaqbalka, markaa hadii ay maanta ku soo barbaaraan degaan sumaysan oo fikirkoodu ku salaysan yahay hab-qabali ah, waa nasiib daro bulshada ku habsatay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar.

Badhasaab gobolka Awdal Mr. Cabdoo waxa uu sidaa ka sheegay mar uu ka qaybgalay maanta, isla markaana hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaaddeen Kumannaan dhalinyarada reer Awdal ah oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Camuud ee duleedka magaalada Boorama, waxaanu Cabdoo intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Waxaan dhalinta ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan ku lug lahaashaha qabiilka iyo qadiyadiisa, waxaanan ku dhiirrigelinayaa inay noqdaan kuwo ku dhiirrada waddaniyadda iyo muhiimada ay leedahay, kana waantoobaan inay ka qayb qaataan shirarka qabaliga ah ee bulshada ka dhex socda.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.