Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM oo Wacdarro ka dhigtay Carwada 6-aad ee Ganacsiga Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):-Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom, ayaa wacdaro ka dhigtay  bandhiga Carwada 6aad oo lagu qabtay hotel Gulleed ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay Macaamiisha ugu soo bandhigtay adeegyada Casriga ah ee ay bixiso.

telesom-3-300x225

Telesom oo ah shirkad looga bartay Adeeg hufan oo tayo  leh isla markaan ah shirkadda ugu balaadhan ee xagga adeegga Isgaadhsiinta, waxay qayb weyn ka qaadatay madasha bandhiggaasi iyada oo la arkayey boodhadh waaweyn oo qariyiyey  dhamaan calaamadihii madasha yiilay ee shirkadaha xayeysiisku soo dhigteen.

Dhanka kale waxaa iyana sidoo kale madasha wax qabadkooda ku soo bandhigay qaybaha kale ee Telesom Group sida Salaam Bank iyo SOMGAS oo ah shirkadii ugu horeysay ee dalka keentay qalabka Gaaska cuntada lagu kariyo kaas oo waxbadan ka taray dhaqaalihii qoyska iyo ilaalinta dhirtii la goynayey ee dhuxusha laga sameyn jiray.

telesom1 Telesom2

Dhanka kale saraakiisha sarsare ee shirkadda Telesom Group ee ka hawlgala qaybaha kala duwan ee ay shirkaddu ka kooban tahay ayaa la arkayey iyaga oo gelin horaba  si qurux badan u soo camiray kuraasta safka hore ee loogu talo galay dadka la qadariyo inay fadhiistaan.

Hadaba masuuliyiintii ka hadashay munaasibadda xafladda furitaankii bandhigga carwadaasi waxaa ka mid ahaa ku-xigeenka madaxa Iibka iyo Suuq-geynta ee Shirkadda Telesom Maxamed Axmed Cabdi [Darbo] waxaanu ka warramay kaalinta shirkadda Telesom kaga jirto adeegga bulshada gaar ahaan dhinaca Telefoonada iyo Internetka oo uu sheegay hadda wixii ka dambeeya inay dadku ku isticmaali karayaan si lacag la’aan ah. Waxaanu salaan iyo  mahad naq balaadhan uu  jeediyey madaxdii uu Madaxweyne ku-xigeenku ugu sareeyey, Rugta Ganacsiga, golaha wasiirrada,shirkadaha Ganacsiga iyo guud ahaan ka soo qaybgalayaashii xafladdaasi ka dibna waxa uu ka warramay Telesom iyo qaybaheeda kala duwan ee sanadkan ay kaga soo qaybagleen Bandhigga carwadaasi

 

telesom 3telesom

Waxaanu yidhi  “sanadkan Bandhiggan carwada waxaanu kaga soo qayb galay  magaca Telesom Group run ahaantii shirkadda Telesom waa shirkaddii ugu horeysay ee wadankan ka hana qaaday marka laga hadlayo waxa  wada lahaan shaha layidhaado, runtii wada lahaanshahaa waa lagu macaashay waxaana shuraako ku ah in ka badan 1500 oo qof oo reer Somaliland ah oo dalka gudihiisa jooga ama dibadahaba ku maqan, Baanka Salaam oo aad ogtihiin inuu yahay mid wax badan ka qabtay adeegga dadweynaha isla markaana  ku shaqeeya nidaamka islaamiga ah isla markaana aad uga barateen inuu isugu kiin xidhay adeegyo kala duwan oo uu ka mid yahay adeegga Kaafi la yidhaado, markasta oo aad doontaan Baanka Salaam waxaad lacagihiina kagala bixi kartaan Jeegga” ayuu yidhi Maxamed Axmed

Dhanka kale waxa uu ka hadlay Adeegyada kale ee ay bixiyaan “waxaa kale oo aanu maanta  meesha keenay shirkadda SOMGAS oo ah mid aanu ugu talo galay istaraatiijiyadda fog inaanu ka dhino mustaqbalka shirkadda ugu weyn ee wadamada Gaaska  Bariga Africa oo dhan ka Iibin doonta Gaaska, adeega Somgas waxaanu  ugu talo galay inuu kajabnaan doono dhuxusha qiimaheeda”Ayuu yidhi.

Dhanka kalana Mr Darbo waxa uu sheegay inay saldhigg wayn ka bilaabeen magaalada Berbera ee xaruta Gobalka Saaxil kaas oo ay ugu talo galeen inay ka hagaan baahinta adeegga Somgas ee laga soo dajinayo Marsada Berbera si loo gaadhsiiyo Gobalada kale ee dalka oo dhan.

Maxamed Axmed Cabdi Darbo kuxigeenka madax iibka iyo suuq-geynta ee shirkadda Telesom waxa uu sheegay inay shaqada shirkadda ku soo kordhiyeen adeegg fiican oo uu madasha kaga dhawaaqay isla markaana si gaara ugu bushaareeyey dhalinyarada waxaanu yidhi “shirkadda Telesom oo aad uga barateen inay horeyba idiinku haysay adeegyo kala duwan maantana waxaan halkan idiinku bushaaraynayaa gaar ahaan dhalinyarada oo aad u isticmaala Facebooka iyo Tweeter-ka inaanu keenay Internen uu aad u sareeyo xawaarihiisu oo maanta saacadda laga bilaabo ay dadku Mobile-ladooda ka galikarayaan internet la’aan.”

Mr Darbo waxa uu sharaxaad ka bixiyey maadaama uu sheegay inaanay dadku u baahnayn inay adeegsadaan Internet  inay shirkadda Telesom u soo diri karaan Nomeber-ka 400 oo kaliya kadibna loogu diiwaan galin kanayo Mobile-ladooda si aysan uguba baahan adeegga Internetka iyo soo xidhidiisa.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.