Maxaabiis Budhcad-badeednimo ugu xidhan Hargeysa oo Cuntada ka Soomay

Hargeysa(Aftahannews):- Maxaabiista loo haysto falalka budhcadbadeednimo ayaa cuntadda ka soomay, iyaggoo dalbanaya in xukunadoodda dib loo eego, sida uu caddadkiisii maanta soo baxay ku baahiyey Wargeyska Saxafi ee ka soo baxa Hargeysa.

2cf1f8d39e0698fbf0c2be15e9fa8cfb_XL_Top_news_thumb

Sidda ay sheegayaan xoggo aanu ka helay Xabsiga dhexe ee Hargeysa oo ay ku jiraan 34 Maxbuus oo loo haysto falal-budhacad-badeednimo ayaa waxaa ay shalay soomanaayeen maalintii saddexaad., Maxaabiistan oo hay’ada qaramadda Midoobay ee UNODC ay Somaliland keentay, islamarkaana laga soo wareejiyay Jasiiradda Seychelles oo Maxkamad lagu saaray ayaa waxaa xogaha aanu helay sheegayaan inay ka cabanayaan Xukunadda ay kala yimaadeen maxkamadii Seychelles oo gaadhaysa inta u dhaxaysa 24 sanadood ilaa 14 sano, iyaddoo Xukunadaasi ay dalbadeen in dib loo eego oo ay ka qaataan racfaan Somaliland ah, taas oo la sheegay in Somaliland-na diiday maadaama sida la wariyay aanay ku jirin heshiiska loogu soo wareejiyay.

“Waxay joojiyeen cuntaddii waxaana ay ku doodayaan in Maxaabiistii kaga hadhay Jasiiraddii laga keenay ee Seychelles qaarkood la sii daayay oo Xukunkii ka jabay, intoodii dooratay in halkan lagu hayana aan wax dacwad ah oo danbe la weydiin. Markaa, waxaa la kulmay madaxda ciidanka Asluubta oo u sheegay inay u gudbinayaan Wasaaradda cadaalada, waxana la filayaa in loo keeno Sabtida madaxda Wasaaradda cadaaladda. Iyaguna waxay sheegeen inay cuntadda ka soomanaanayaa ilaa inta arrintoodda dib loo eegayo ama ay ka dhimanayaan.” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah Ilaha aanu xogta Wargeyska Saxafi oo aannu warkan ka soo xigannay soo xigtay.

Saraakiisha maamulka ciidanka Asluubta oo aanu Wargeys ahaan isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu arrintan wax uga weydiino ayaanay noo suurta-gelin in aanu hello shalay galinkii danbe oo warkani na soo gaadhay.

Maxaabiistan falalka Budhcadbadeednimo loo haysto ayaa iyagu codsaday in Somaliland lagu hayo, iyagoo u xilanaya afka iyo dhaqanka ciidamada ilaalinaya iyo u dhawaanta eheladdooda. Laakiin, waxaa ay hore cabasho uga muujiyeen dhaqanka hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan arrintoodda ee UNODC oo ay ku eedeeyeen inay ka baxday balantii ay hore ugu qaaday xanaanayntoodda oo dhamaystiran. Maxaabiistu waraysi ay siiyeen Wargeyska The Globe bishii kow iyo tobnaad ee sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa ay ku doodeen in la siiyo dhaqaale kooban oo aan ku fileyn noloshoodda maalin laha ah.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.