Somaliland: Ardaygii ugu waynaa Ardayda 2015 ka dhammaystay Dugsiyada sare oo ka hadlay heerkiisa & rejada uu qabo

Ceerigaabo(Aftahannews):- Cumar Muuse Dirir oo ah Ardaydii ugu da’da waynaa Ardayda sannadkan 2015-ka dhammaysatay Dugsiyada Sare ee Somaliland, gaar ahaan Dugsiga Sare ee Xaaji Aadan oo ku yaalla magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa ka warramay marxaladihii uu soo maray iyo sida uu afartii sano ee ugu dambaysay wax ula baranayey Arday da’ ahaan aad uga yar-yar.

Waxa Cumar Muuse Dirir uu sheegay in da’diisu kor u dhaaftay Lixdan jir, isla markaana waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu sannadka dhammaysto Dugsiga sare ee Xaaji Aadan ee magaalada Ceerigaabo, isagoo xusay inuu Konton sano ka hor dhammaystay Dugsiga hoose iyo dhexe oo uu ku dhammaystay degmada Baraawe ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Cumar Muuse Dirir, waxa uu sheegay inuu isu diyaarinayo hadda inuu Jaamacadda magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag inuu galo sannadkan, waxaanu intaas ku daray inuu aad u jecel yahay waxbarashada, doonayana haddii ALLAAH ku simo inuu heer sare ka gaadho wakhtiyada soo socda, maaddaama oo aanu hore nasiib ugu helin inuu waxbarasho sare qaato.

Ardaygan noqday Ardaygii ugu da’da weynaa ee sannadkan dhammaysta ama wax ka barta ee ka baxa Dugsiga sare ee Xaaji Aadan ee magaalada Ceerigaabo, waxa uu sheegay in Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Xaaji Aadan ku dhiirrigeliyeen waxbarashadan uu hadda dhammaystay, isla markaana ay u saamaxday jacaylkiisa uu u hayey marka horeba waxbarashada.

Cumar Muuse Dirir, waxa uu sheegay in dad badan oo waawayn oo reer Ceerigaabo ahi ay ku dhiirradeen inay iyaguna wax bartaan markii uu waxbarashada Dugsiga sare muddo waday, kana kaceen ama iska joojiyeen Ciyaaraha Shaxda iyo Dubnadda ee ay inta badan ku madaddaaloon jireen wakhtiyadooda firaaqada ah.

Haddaba, Ardaygan ku guulaystay inuu noqdo Ardayga ugu da’da weyn Ardayda sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka dhammaystay waxbarashadooda Dugsiyada sare ee dalka Somaliland oo natiijada Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare iyo Dhexe ee Somaliland oo toddobaadkii hore lagu dhawaaqay, Warbixinta Warkiisa oo dhan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan oo Wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.