Hantidhawrka Guud oo qabtay Gaadhi aan Cashuurnayn oo dalka ku soo Galay Lambarka Baabuur kale

Booliska Laascaanood oo gacanta ku dhigay nin dukumantiyo been-abuur ah u samayn jiray gaadiidka ka soo dega Boosaaso ee Somaliland yimaad

Hargeysa (Jam)- Hantidhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay shalay gaadhi aan cashuurnayn oo dalka ku soo galay lambarka baabuur kale oo sifo sharci ah uga soo degay Dekedda Berbera.

baabuurka

Hantidhawrka Guud oo kaashanaya ciidammada booliska, ayaa badhtamaha caasimadda Hargeysa ku qabtay shalay subax baabuurkan oo noociisu yahay Toyota Prado iyo laba nin oo watay, kaas oo la sheegay inuu ka soo degay dekedda magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, isla markaana dalka ku soo galay lambarka gaadhi yar oo Dekedda Berbera hore loogu cashuuray.

Weriye Jamhuuriya ka tirsan oo booqday shalay Kastamka Dhexe ee Hargeysa oo uu baabuurkani hadda ku xidhan yahay, ayaa la sheegay inuu ka yimi dhinaca degaannada Gobolka Sanaag, kana soo degay dhowaan dekedda Boosaaso, kadibna si loo lunsado cashuurta ku waajibtay markii uu dalka soo galay lagu xidhay lambarka SL 49679 oo ku diiwaangashan gaadhi yar oo nooca Raaxada loo yaqaan ah, halka labada nin ee watayna ku xidhan yihiin Saldhigga Dhexe ee Booliska.

Saraakiisha Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo xidhiidho kala duwan Jamhuuriya kala sameeyey sababaha loo qabtay gaadhiga iyo labada nin ee xidhan, ayaa ka gaabsaday inay tafaasiil ah ka bixiyaan, balse waxay caddeeyeen in qabashada gaadhigaasi ku xidhiidhsan tahay baadhitaanno muddo dheer socday oo ay ku wadeen Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Hawlaha Guud, baadhistiisana aanay ka hordhacayn.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo ku dhodhow Hantidhawrka Guud, ayaa wargeyska u sheegay in qabashada baabuurkani ka dambaysay baadhis iyo dabagal muddo toddoba bilood ku dhow oo Hantidhawrku ku daba socday fadeexado musuqmaasuq oo lagu lunsado cashuuraha gaadiid kala duwan oo intooda badan ka soo degay Boosaaso, kadibna loo sameeyey dukumantiyo iyo lambarro been-abuur ah oo dalka Somaliland ku sugan, iyadoo arrimahaas hore loogu xidhay saraakiil ka tirsan Waaxda Gaadiidka Wasaaradda Hawlaha Guud ee magaalada Berbera, kuwaas oo la sheegay in hadda dacwaddoodu gebagebo ku dhowdahay.

Waxa kaloo ilahaasi tibaaxeen inay jiraan gaadiid tiradooda lagu qiyaasay 800 baabuur aan cashuurnayn oo dalka ku soo galay dukumantiyo been-abuur ah, iyadoo geesta kalena qabashada baabuurka lambarka been-abuurka ah sitay iyo gaadiidka tirada badan ee la sheegay inay sifahaas oo kale dalka ku joogaan ay daaha ka faydeen cabsi dhinaca ammaanka qaranka ah oo ka dhalan karta in gawaadhidaas loo adeegsado falal argagixiso oo halis gelin kara nabadgelyada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, ciidammada booliska ee magaalada Laascaanood, ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu gaadiidka ka soo dega Boosaaso u samayn jiray dukumantiyo been-abuur ah oo ay ku soo galaan Somaliland, gaar ahaan gobollada bariga, kaasoo sida ilo-wareedyadu xuseen lagu ogaaday baadhiso baahsan oo Hantidhawrka Guud bilihii la soo dhaafay ka fuliyey xafiisyada Waaxda Gaadiidka Wasaaradda Hawlaha Guud ee dhammaan gobollada dalka oo dhan.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin, ayaa la sheegay inuu hadda ku xidhan yahay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaas oo la filayo inay maalmaha soo socda u baqoolaan koox hantidharayaal ah oo ku oogi doona dacwad ku saabsan eedaymaha loo haysto oo la xidhiidha samaynta dukumantiyo been-abuur ah oo lagu lunsaday hanti qaran oo malaayiin dollar gaadhaysa.

Xigasho Jamhuuriya.