Madaxweyne Xasan oo sheegay in Raysal-wasaare C/Wali soo dhisayo Xukuumad ka duwan Tii Saacid

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumadda uu soo dhisayo Raysal-wasaaraha uu bishii hore magacaabay inay ka badan doonto ka horreeyey, isla markaana uu Raysal-wasaaruhu ku hawllan yahay xulitaanka xubnaha badan ee ka mid noqonaya Xukuumaddiisa.

xil-wareejin

Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay inay cid kastaa ka dhex-muuqan doonto Golaha Wasiirrada cusub iyo qaybaha kale ee Xukuumadda uu soo dhisayo Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo uu badhtamihii bishii hore magacaabay, ka dib markii Baarlamaanku Kalsoonida kala noqday Raysal-wasaarihii hore iyo Xukuumaddiisii-ba.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Xasan sheegay in Xukuumadda uu soo dhisayo Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ay dhinac kasta kaga duwanaan doonto ugana ballaadhnaan doonto Xukuumaddii Saacid, waxaanu xusay inaanay beel gaar ah iyo cid kale oo gaar ah oo loo sad-burin doonaa jirin ee ay Beelaha Soomaalidu si siman oo caddalad ah uga wada muuqan doonaan Xukuumadda ku dhawaaqisteeda laga sugayo Raysal-wasaare Cabdiwali.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi uu kaga hadlayo marxaladihii ay dawladdu soo martay muddadii uu xilka hayey iyo qorshayaasha mustaqbalka dhaw oo uu siiyey Warbaahinta Afka dawladda ku hadasha, waxa uu sidoo kale ka hadlay xadhigga Sheekh Xasan Daahir Aways oo ay dawladdu muddo shan bilood ku siman ku hayso Xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho.

Waxaanu Madaxweynuhu sheegay in arrinta Xasan Daahir Aways tahay mid gacanta lagu hayo, isla markaana ay go’aankeeda leeyihiin Hay’adaha Sharciga ah ee dhinaca Garsoorka, sidaa awgeedna go’aanka ay kiiskiisa ka qaataan Hay’adahaasi laga war-sugayo, wixii ka soo baxana ay tahay in lagu wada qanco.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.