Madaxtooyada oo muddaharaadkii Hargeysa Masuuliyaddiisa ku eedeysay Booyadleyaasha

Hargeysa(Somalilandtoday):- Madaxtooyada Somaliland, ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay Muddaharaad khasaare sababay oo toddobaadkii hore gilgiley qaybo ka mid ah Caasimadda Hargeysa, kaasoo ka dhashay Biyo la’aan, ka dib markii ay muddaharaad shaqo-joojin ah sameeyeen Booyada Biyaha u dhaamiya magaalada Hargeysa.

Madaxwayne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay muddaharaadka toddobaadkii hore ka dhacay Hargeysa ee biyo la’aantu sababtay, inay masuul ka ahaayeen Booyadlayaasha Hargeysa ee shaqo-joojinta sameeyey, isla markaana waxa uu ku dooday inaan cashuurta lagu kordhiyey ee Booyadleyaashu ka cabanayeen ahayn mid wax culays ah ku keeni karta iyaga, shaqadooda iyo dakhligooda toona ee ay tahay wax yar oo faro-guudkood ah.

P1060584

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici oo maanta hadal ka jeediyey furitaanka Carwo caalami ah oo ah tii lixaad ee Somaliland lagu qabto oo maanta laga furay Hoolka Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa uu sidoo kale ku dooday saddexda sano ee ay Xilka hayeen inay wax badan wax ka qabteen oo ay wax badan beddeleen sida ay isu arkaan.

“Annagu waxaannu isleenayay saddexdaa sannadood wax badan baad beddesheen, dhalliishuna yaanay noqon mid dalka inaga dumisa ee aynu qoraalo isugu soo gudbino, oo aynaan dhib iyo wax rabshad ina galiya aynaan ku talaabsan ayaan idinku boorinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.

Waxaanu Md. Cabdiraxmaan-Saylici oo ka hadlaya muddharaadka Hargeysa ka dhacay iyo sababta keentay uu yidhi; “Muddaharaadkii maalintii dhawayd dhacay, waxaan qabaa Booyadaha ayaa kiciyey ee dhibaato kale ma dhicin. Booyadaha ayaa waddo khaldan maray, waayo? Cashuur la kordhiyey ma jirto.”

“Waxa la kordhiyey waxa weeyaan, maaddaama oo aynu intaasi oo sannadood Adduunka Ictiraaf ka waynay aynu innagu dalkeenna dhisanno, oo la yidhi; ‘hallaga qaado lacag yar oo aan badnayn, laakiin marka la isku daro lacag badan noqonaysa. Booyaduhu haddii ay adeeg ka shaqeynayeen tixgalintooda ayay leeyihiin, haddii ayna dawladdu kabinna waa laga dhowro cashuuraha, waxaana qurux badnayd in aanay iyaguna shoobaro samaynin oo aanay dadkiina haraad ku dilin.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.

Madaxweyne Ku-xigeekna Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu maalinle, bille iyo lix bilood-ba u xisaabayey cashuurta lagu kordhiyey Gaadiidka saddex tan ka wayn, waxaanu yidhi; “Lixdii bilood ayaa la yidhi Baabuurka saddex tan ka badan 300.000 kun hallaga qaado, markaa bisha dhan waa 50.000 kun oo S/land Shilin ah, Ninkaa Booyadda ee Shoobbaraha sameynayoow markaad kontonkaa kun u qaybiso calaa maalin waa 1.700 (Kun iyo toddoba boqol oo shilin).”

Waxaanu Madaxweyne Ku-xigeenka oo ka hadlaya dhibaatada iyo culayska ay Ganacsatadu ku hayso bulshada uu yidhi; “Mushkiladda haysata Ganacsatada reer Somaliland waxa weeyaan, maaha marka uu wax diidayo inuu been ku xoqdo, haddii cashuurtaasi Foostadii Biyaha ahayd saareyso 300 shilin, xaareyn bay ahayd inuu saddex kun ku kordhiyo, laakiin reer Hargeysa waxaan ugu bushaaraynayaa inaad biyaha ka haqab beeli doontaan sanadkan dabayaaqadiisa, hala samro, oo waalla doogiye, yaan la dacaroon.”

Waa markii ugu horreysay ee ay Madaxtooyada Somaliland sidan oo kale uga hadasho Muddaharaadka toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka, isla markaana Masuuliyaddiisa ku eedayso Ganacsatada Booyadaha Biyaha u soo dhaamiya Hargeysa oo maalin ka hor muddaharaadka dhimashada iyo dhaawaca sababay iyagu sameeyey muddaharaad shaqo-joojin ah oo ay kaga cabanayeen cashuur ay sheegeen in lagu kordhiyey oo ay ku tilmaameen mid badan oo aanay iska bixin Karin.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.