Madaxweynaha Soomaaliya muxuu ka yidhi ambo-qaadka wadahadallada Somaliland?

Muqdisho(Aftahannews):- Dawladda Soomaaliya, ayaa ka hadashay wadahadallo ay la lalahayd Somaliland, kuwaasoo dhawaan Warbaahinta Somaliland qaarkeed shaacisay inay Soomaaliya Baarlamaanka uga dhex ololaynayso sidii meesha looga saari lahaa ama loo kansali lahaa.

XASAN IYO SIILAANYO

Hase-yeeshee, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shaaca ka qaaday, in wadahadallada u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ay si toos ah iyo si dadbanba u socdaan, isla markaana ay diyaar u yihiin in bishan koowaad ee 2014-ka halkii ay marayeen laga sii amba-qaado, isla markaana lagu wada shiri doono magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayey waxyaabihii u qabsoomay sannadkii tegay, ayaa sheegay in mar kale bisha January dhexdeeda labada dhinac ku kulmi doonaan Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

“Wadahadalladaasi si toos ah iyo sii dadban labadaba way u socdaan, dhawaan bishan January dhexdeedana mar kale ayaa Istanbul la isugu tegayaa, meeshii ay joogtayna waa laga sii ambo-qaadayaa, in guulo badani ka dhashaanna waannu rejaynaynaa oo wax badan la isku afgarto, Haddii Alle yidhaahdo.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa meesha ka saaraya warar malo-awaal ah oo ay Warbaahinta Somaliland qaarkeed maalmihii u dambeeyey ka faafinayeen dawladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay Baarlamaankeeda dhexdiisa uga ololaynayso sidii loo kansal-garayn lahaa wadahadallada ay la lahayd Somaliland.

Wadahadalka la filayo inuu labada dhinac dhex-maro, ayaa muddo dhawr jeer ah dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyey marka hore oo ku beegnaa bilihii u dambeeyey ee sannadka galbaday ee 2013-ka, hase-yeeshee, markii ugu dambaysay waxay dhinacyadu isla qaateen in bishan badhtameheeda lagu kulmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo marti-gelinaya wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u sacday labadii sano ee u dambeeyey.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.