Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo la Guddoonsiiyey Shahaadada Xasuuqa Shacabka

Ujeeddo: Guddoonsiinta Billadda Xasuuqa Shacabka Somaliland:-

Ku: Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland

Markaanu aragnay sida ay ciidanka boolisku xabbadda nool ula dhacayaan carruur aan qaangaadhin oo guryahooda joogta.

SHAHAADADA XASUUQA SHACABKA OO LA GUDDOONSIIYEY TALIYAHA BOOLISKA Cabdillaahi Fadal (1)

Markaanu aragnay sida badheedhka ah ee aad u tooganaysaan maxaabiista gacantiinna ku jirta,

Markaanu xaqiiqsannay in dhiigga shacabku idinla noqday wax fudud oo aan cidiba ku murmin

Markaanu aragnay sida aad garoommada u gashaan una dishaan dhallinyarada ciyaartoyga ah.

Markii la isku raacay sida aad heeganka ugu tihiin dhagarta shacabkii aad masuulka ka ahaydeen iyo duminta nabadgelyada uu xilku idinka saaran yahay.

Markii ay caddaan noqotay dulmiga, tacaddiga, xadhiga iyo duudsiga aad caadaysateen oo noqday mid aan la tiring karin.

Markii aanu ka baqannay in aad na xidho haddii aanu shahaadadan kuugu keenno xafiiskaaga iyo xarumaha aad ka taliso.

Waxaanu garannay in aanu hawada kuu soo marinno shahaadada xasuuqa ku guddoonsiinno maanta oo ay taariikhdu tahay 15ka Ogos, 2015ka. Waad ku mahadsan tahay sida aad nooga guddoomi doonto billaddan aad waxqabadkaaga ku mutaysatay.

Xafiiska Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista

Hargeysa/Somaliland.