Wikileaks oo Fashiliyey Sir Culus iyo Fadeexad Dul-hoganaysa Shirkadda SOMTEL & Xukuumadda Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Shabakadda caanka ku ah jabsashada iyo baadhashada Dhukumentiyada Sirta ah ee dawladaha iyo Shirkadaha waawayn ee caalamku is-dhaafsadaan ee Wikileaks, ayaa kashiftay ama fashilisay Sir culus oo noqonaysa Fadeexad dul-hoganaysa dawladda Somaliland iyo Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel oo ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somaliland ka shaqeeya.

SOMTEL LOGO 1

HACKING TEEM LOGO

Waxay Shabakadda Wikileaks Sabtidii shalay Baahisay in ka badan Hal Milyan oo E-mail, oo ay ka jabsadeen Shirkad Booriggiraamada Wax lagu basaaso, isla markaana Macluumaadyada E-maillada, Cumputerrada iyo Taleefannada gacanta lagu basaaso ama xog lagaga helo caan ku ah, taasoo fadhigeedu yahay waddanka Talyaaniga, magaceedana la yidhaahdo Hacking Team oo ay E-maillo dhex-mareen Masuul ka tirsan Shirkadda Somtel, sida laga dhex-helay Macluumaadka Sirta ah ee uu baahiyey Wikileaks.

Masuulka Suuq-geynta u qaabbilsan Hacking Teem oo lagu magacaabo Massimiliano Luppi, waxa xidhiidh dhinaca Emailka ah la sameeyey Ismaaciil Ducaale nin la yidhaahdo oo markaa sheegay inuu yahay Madaxa Waaxda Farsamada ee Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, kaasoo Shirkaddaas ka dalbaday Adeegga nooc kasta ha ahaadee Internet lagu isticmaalo lagu basaasi karo iyo weliba Taleefannada kala duwan-ba, isaga oo u sheegay ninka Suuq-geynta Hacking Teem inay dawladda Somaliland ka codsatay Barnaamijkaas, isla markaana ay u ballan-qaadeen inay ka caawiyaan, isla markaana adeegyo kale oo ka uu dalbanayo la mid ah isku-dayeen tijaabintooda, ka shirkaddani bixisana qiimaynayaan.

Haddaba, Macluumaadka ay labadan Masuul ee Shirkadaha Somtel iyo Hacking Teem Emaillada isku-waydaarsadeen ee uu Wikileaks Baahiyey oo aannu Luuqadda Afka Soomaaliga Bahda Aftahannews idiinku soo turjuntay, kuna qornayn Ingiriisi marka hore, waxa Soomaali ahaan ay u dhacdeen sidatan aannu qoraalka hoose idiinku soo gudbinayno ee ka bogasho Habboon:-

Waraaqda uu qoray Masuulka Somtel

“Dear Massimilano,

‘Waxaannu door ku leenanahay oo aannu caawinaa waaxyaha Ammaanka, marka ay dawladdu noo baahato, wax kasta oo arrimo ammaan ah oo ay nooga baahdaana waannu u fulinnaa. Sidaa darteed, waxaan rejaynayaa inaannu heli doonno si aannu u galno adegga NDA, iskuna dayno isticmaalka adeegga RCS.

Ismail Dualeh

Chief Technical Officer-SOMTEL

T : +252 7 972 90 00 | M : +252 7 900 00 01

E : ismail.dualeh@somtelnetwork.net.”

 

Jawaabta Madaxa Iibka iyo Suuq-geynta ee Hacking Team, Massimiliano Luppi

From: Massimiliano Luppi [mailto:m.luppi@hackingteam.it]

Sent: Tuesday, November 13, 2012 1:14 PM

To: ismail.dualeh@somtelnetwork.net

Cc: HT

Subject: R: I: Somtel

Dear Mr. Dualeh,

‘Waad ku mahadsan tihiin inaad nala soo xidhiidhaan, isla markaana aad danaynaysaan adeegyada dhinaca technology-ada casriga ah. RCSwaxa loogu talogalay in lagu weerarro, laguna waxyeeleeyo, isla markaana lagula socdo dhaqdhaqaaqa kombuyuutarada iyo mobilada casriga ah ee la daba socdo, si qarsoodi ah, tusaale ahaan goobta lagu isticmaalayo.

Markasta oo la waxyeeleeyo, kombuyuutarada iyo mobillada la doonayo waxa uu adeegga RCS kuu sahlayaa inaad hesho macluumaad kala duwan oo ku saabsan kobuyuuradaas iyo mobillada la doonayo sida:-

Skype traffic (VoIP, chat), keystrokes (all Unicode languages), mails, messages, target positioning, files, screenshots, microphone eavesdropped data, camera snapshots, etc. Kombuyuutarrada iyo Mobillada uu adeeggani jabin karo waxaa ka mid ah kuwa ay ku jiraan soft-weerada kala ah:- 1- Windows XP/Vista/7 (32 & 64 bit) and Mac-OS. 2- Windows Mobile, iPhone, Symbian, Blackberry and Android.

Waxa ay siyaasaddayada aannu ku shaqaynaa noo oggoshahay oo keliya inaannu adeeg ama agab ka iibinno dawladaha, si ay ugu adeegsadaan dhinacyada fulinta sharciga iyo ammaanka oo keliya annagoo tixgelinayna codsiyadooda.

Marka la eego weydiintaada adeegyadayada ku saabsan, waxaannu jecel-nahay inaad maanka ku hayso inaannaan Cidna siinnin Waddan ama meel cayiman oo aannu ka hawl-galno, inaannu xidhiidhnaa waxay ku suurta-gashaa annagoo adeegyada uu u baahan yahay u qabanayna isagoo jooga waddanka ama meesha uu joogo Qofka Macmiilka ahi.

Taas macnaheedu waxa weeye haddii aad awood u leedahay shirkad ahaan, waxaannu ku siin doonnaa adeeggan muddo sannad ah. Si cad waxaannu u baahannahay inaannu garan karno, si uu heshiisku u hirgelo Shirkadda aannu la xidhiidhaynaa cidda ay tahay.

Hadii wax kasta aannu ku qanacno, waxaannu idinla galaynaa Heshiis labadeenna dhinac kooban oo xuquuqdiisa la ilaaliyey, waxaannu diyaarin doonnaa kulan aannu la yeelanno Cidda aad u soo wakiilataan haddii aannu u aragno macquul.’

Waxaan sugayaa Jawaabtaada

Massimiliano Luppi.”

Jawaabta Masuulka Somtel:

“Da: Ismail Dualeh [mailto:ismail.dualeh@somtelnetwork.net]

Inviato: Tuesday, October 30, 2012 01:22 PM

A: <m.bettini@hackingteam.it>

Oggetto: Somtel.

Dear Marco,

hope all is well.

‘Magacaygu waa Ismaaciil Ducaale, waxaan ahay madaxa farsamada (CTO) ee shirkadda isgaadhsiinta Somtel ee Somaliland. Waxaan ka helay Email-kiinna Hagai frenkel of NICE systems.

Dawladdayada ayaa naga codsatay inaannu daba-gal ku samayno Emaillada laga shakiyo, waxaanannu go’aansannay inaannu hawshaas ka caawinno, annagoo adeegsanayna adeegga (trojan horses). Sidaa darteed, waxaannu u baahannahay inaannu adeeggan kusoo darno isticmaalkayaga Shirkadda.

Waxaannu tijaabinnay adeegyo badan oo kiinna la mid ah, isla markaana waxaannu doonaynaa inaannu qiimayno adeeggiinnana.’

looking to hear from you.

Ismail Dualeh

Chief Technical Officer

Somtel International

+25279000001.”

Xigasho wikileaks.org

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.