Wasiirka Keliya ee ku dayashada mudan ee Fuliyay Digreetadii Saacadaha Shaqada ee Madaxweynuhu soo saaray

Qalinka Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay)..Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo shaqaalaha Wasaradaasi ayaa noqday Madaxda iyo shaqaalaha ugu hor yimaada uguna danbeeya wakhtiga rawaxaada dhammaan Wasaaradaha kala duwan ee Somaliland, sidaana waxa lagu ogaaday sahamin Wakaaladda wararka ee Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ay ugu kuur-gelaysay maalmihii u danbeeyay sida ay u socdaan hanaanka shaqo ee Wsaaradaha iyo wakhitiyadda shaqo gelista iyo rawaxaada ee Wasiiradda iyo Wasaaradahooda.

46438_419201584819117_1554596013_n

wasiirka-waxbarashada

Sahamintan oo aannu si is-daba-joog ah ugu soo maraynay maalmihii u danbeeyay Wasaaradaha kala duwan ee dalka ayaannu ku ogaanay in Wasiiradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Cabdi Adan iyo Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradaasi ay noqdeen hormoodka Wasaaradaha.

Aannu qiimaynta ku soo samaynay, ka dib markiii ay noqdeen Wasiirka iyo hawlwadeenada kala duwan ee Wasaaradaasi kuwa kaliya ee sidii ay ahayd u fuliyay Digreetadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), uu ka soo saaray saacadaha shaqo gelista iyo rawaaxada ee Wasaaradaha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa noqtay Wasiirka keliya ee Shaqada soo gala Toddobada Subaxnnimo, isla markaana shaqada ka rawaxa Labada duhurnimo iyada oo ay tusaalahan kala sinaayeen dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaraddaas.

Sidoo kale, xusid mudan in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, oo Wasaaraddeeda ay ka madaxda tahay ay ka mid tahay Halbowlayaasha Wasaaradaha ugu muhiimsan Qaranka ay noqotay Wasiirka keliya ee ku dayashada iyo ammantaba mudan ee ugu wakhtiga dheer ee ku sugan Xafiiska Wasaaraddeeda ee heeganka u ah gudashada xilka waajibaadka Qaran ee loo igmaday, taasoo looga baahan yahay in ay ku daydaan Wasiirrada kale iyo hawl-wadeennadoodu.

La soco qaybo kale oo ka mid ah qiimaynta Suxufigani ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Wasaaraddaas.

Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay)

Soohaad10@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.