Dhakhtar aan Jaamacad ka bixin oo Madaxa Qalaya, Lafo-xoolaad iyo Biro-na gelinaya: Warbixin

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare] cabdiheersare01@hotmail.com. http://heersaremuxumed.blogspot.comWeli akhriste ma aragtay mase la kulantay dhakhtar aan jaamacad ka soo bixin oo madaxa qofka beni’aadanka ah qalaya lafo xoolaad gelinaya, dadka jajabay biro iyo lafo gelinaya, guud ahaan-na meel kasta oo qofku ka jabana kabaya.

Halkani waa xaruntii hore ee carwada hiddaha iyo dhaqanka ee Hargeysa oo hadda isu bedeshay dhakhtar iyo waadhadh lagu daweeyo dadka jajaba. Marka aad goobtan timaado waxay indhahaagu qabanayaan dad baandhays kaga duuban yahay madaxa, lugaha, gacmaha, dhexda iyo qaybo kale oo qofka ka mid ah.

xdgfds aa fff sxxxxxxxxxxxxxxxxxxx

hhh ddddddd unnamed xcccc

Markii aan hore u galay goobkan dhakhtarka isu beddeshay waxaan indhaha la raacay oo ay qabteen dad la kabay oo waadhadh gudaha ku yaalla sariiro dul jiifa, qaar barandaha amma meelaha dibadda ah waabab looga sameeyey. Waxa aan hore u galay meesha qalliinka lagu sameeyo. Wax aan la kulmay nin la ii sheegay in madaxa xabbad jaajuur ah amma bulakeeti lagaga dhuftay oo madaxa xaggiisa sare dumay, lafaha madaxuna jajabeen. Waxa ku hawllan oo qalaya Dhakhtar Xuseen Aw Aadan Bade oo ku caan ah (Ina Aw Aadan), waxa na dhex-maray xog-waraysigan: Diktoore iska warran; “Ilaahay mahaddii’e.” Maxaa ku dhacay ninkan aad madaxa ka qalayso; “Xabbad jaajuur ah ayaa madaxa lagaga dhuftay isaga oo fooq hoos maraya. Dee waxaas oo miidhan ayaanu ka shaqaynnaa. Bal eeg biro ayaa ku jira’e. Weliga miyaad aragtay biro madaxa la geliyo?.” Oo yaa biraha geliyey; “Aniga ayaa geliyey oo lafaha ayaa isku yaacay(jajabay). Bal eeg waxa laf jabtay, taa kow dhe, laba, saddex, afar iyo shan. Weli ma aragtay madax bir la geliyey. Immika waa kan hadlay’e muu hadlayn markii na loo keenay. Wuu hadlayaa oo wuu kaadi tegayaa. Waana kan damqanaya’e muu damqanayn markii na loo keenay.” Ayuu yidhi Dr. Xuseen Aw Aadan.

Dhakhtar Xuseen oo aad aragteen sidii uu wax u qalayay maaha dhakhtar ka soo baxay Jaamacad, weliba jaamacaduhu iskuma jiraan ee ta qalliinka oo ka mid ah barashada caafimaadka qaybaha ugu culus, sidee ayuu wax ku bartay amma dhakhtar ku noqday, isaga ayaa inooga sheekaynaya: “Weligay jaamacad ma gelin oo wax aan kitaab iyo diin ahayn ma baran. Waa amar ilaahay. Maskax qalista iyo kabista waxa ii hawl yar maskax qalista. Immika ma ogi inay cid kale dalka timi’e intii hore anig oo keliya ayaa madaxa ka shaqayn jiray. Lafaha adhiga ayaan mada geliyaa. Maskaxdu marka ay shubantana (daadato)dawo-soomaali hiddo iyo dhaqan ah ayaan ku fadhiisiyaa. Marka aanad dhimanayn maskaxdu waa wax kabmi og. Dawadaasina waa mid aan aqoonteeda leeyahay oo kutubta ayaa sheegtay. Caanaha geelana ayaa lagu qooshaa. Mid gaal ah oo la yidhaado Boob galdoof ayaa halkan iigu yimi, oo qaar wejigu lumay oo ciidanka qaranka Somaliland ka tirsan ayaan lafo-geliyey oo maskaxdu fadhiisatay. Boob galdoof wuu la yaabay oo wuu ii yimi, sidee ayaad u samayaysaa ayuu igu yidhi oo waan u sheegay. Ninkiina waan tusay oo wa kan ayaan ku idhi oo illaa markiisii hore iyo markii danbeba waan tusay. Wuxuu i waydiiyey ‘caanaha geela ayaad mar kasta tidhaahdaaye bal warran’, waxaan ku idhi kitaabka ayaa dhigay oo waxa aan kutubta ka soo bixin kuma intifaaco.”

aaaaaaaaaaaaaaa aaaaaaaaaa nn xxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxx yjutyuiyt8u vvvv

Markaagii hore haddii aynu ku noqonno ma aabbahaa ayaa yaqaannay sidee adigu ku baratay. Wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi: “Waa cilmi rabbaani ah, waad baranaysaa ismaan lahayn hasayeeshee aqoon aan ka sheekayn karo maaha. Waxyaabaha qaar haddii aan idiinka sheekeeyo la iga rumaysan maayo. Si yar oo fudud oo rabbaani ah ayaan u bartay. Muddo yar oo aan bil gaadhin ayaan ku bartay. Markaana ilaahay wuu sakhiray mana doonayo in aan ka sheekeeyo oo waa sir ii gaar ah. Mase is leedahay ninkani wuu idho beelay? Habeen iyo maalin ayaan indho la’aa, intaas oo keliya ayaan ka sheegayaa waxyaabaha i soo maray intii aan wax barayay, waana cilmi rabbaahi ah. Cilmiguna waa mid maaddi ah (ka iskuulada iyo jaamacadaha laga barto) iyo mid mawhuub ah. Markaa cilmi mawhuub ah ayuu ilaahay igu siiyay aniga. Immika ninkan aan qalaayay iyo inantii yarayd ee aan kabayay waxa ii hawl yarayd ninka aan qalayay. Lafihii madaxa ee aad arkayseen inta aan halkan dhigay oo aan maydhay ayaan ku taxay. Birihii aan geliyey ee aad arkayseen-na markay lafuhu is-qabsadaan ayaan ka gurayaa. Hawshan caafimaadkana waxaan soo waday illaa afar iyo afartan sano oo 1970kii ayaa iigu horraysay wax aan qabto illaa xilligaa illaa maanta waan wadaa.”

Muddadaa dheer ee uu ku soo dhex jiray arrimaha caafimaadka wuxuu ii sheegay in aan tiro lagu koobi karin dadka uu kabay amma kuwa uu qalay ee caafimaaday. Dadka uu madaxu burburo wuxuu geliya lafo-xoolaad, sidee ayay arrintani ku suurta gashaa? Ha inoo sharxo Dr. Xuseen Aw Aadan: “Lafuhu waa wax dhib yar. Madaxa lafaha adhiga ayaan geliyaa. Dhudhumadan dhaadheerna lafaha geela iyo riyaha ayaan geliyaa. Waa wax yawl yar. Immika kii aan madaxa ka qalayay haddii ay lafuhu ka lumaan amma aan ka tuuro lafo adhi ayaan geliyaa oo si fudud ayay u qabanayaan oo todoba maalmood ayay isku qabsanayaan.” Ayuu yidhi Dr. Xuseen.

Dadka ay indhaygu qabteen ee uu daweeyey Dr. Xuseen waxa ka mid ahaa kuwan aan kula kulmay iyagoo waadhadhka jiifay: “Aniga macagcayga waxa la yidhaahdaa Maxamed Axmed Aadan, arw aan dabar ka furayay oo aanan korba u eegin inuu igu maqan yahay ayaa daranyo iyo fadhi isugu kay daray, oo sida laxooxda ayuu ii cajiimay. Lugta bixin ayuu raqraqayay (cunayay). Dabadeed ku yar oo aan awaw u ahay ayaa iga saaray. Lugta bidix misigta ayaan ka jabay, sakaarku waa caddaadiqaha oo waa kan duuban oo waan ka jabay, kalxantana waan ka jabay oo waa la qalay oo biro ayaa la geliyey, madaxana dhiig ayaa iga yimi. Waxaana aan nabarradan qabaa illaa siddeed maalmood, haddana waxaan dareemayaa ladnaan oo waan fiicanahay.”

Waxa aan mar kale la kulmay wiil dhalinyaro ah oo Dr. Xuseen ii sheegay inuu madaxu kala dillaacay isla markaana uu sira-joogga (taagni) kaadida ku sii daybayay: “Aniga magacaygu waa Maxamuud Saleebaan Cali Sugaal, waxa madaxa igaga dhacay dubbe oo nabarku dhawr cisho ayuu igu yaallay, haddase waan fiicanahay oo madaxu wuu i ladan yahay.”

Waxa kale oo aan isna la kulmay wiil kale oo dhalinyaro ahaa oo da’diisa iigu sheegay labaatan jir oo faruurta laga qalay, isla markaana u eekaa qof aan weligii faruur yaalan, kuna faraxsanaa nolosha cusub iyo quruxda welijiiga ee u soo noqotay.

Dr. Xuseen Aw Aadan wuxuu ii sheegay inuu shahaado aqoonsi oo dhakhtarnimo ah ka haysto wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee bisha cash amma ICRC. Xilliggii ay dagaalladu ka socdeen gobollada waqooyi ee Soomaaliya oo maanta ah Somaliland, wuxuu ka mid ahaa dadkii sannadkii 1984kii u tallaabay dhanka Itoobiya, isagoo ka mid ahaa dhakhaatiirtii SNM ee ka hawl-geli jiray aaggagga dagaalka ee lagu dawayn jiray dhaawicii SNM-ta.

Lacagta ay dhakhaatiirtu dadka ku qalaan way kala duwan tahay oo marka aad dadka la sheekaysato waxay kuu sheegayaan inay culays ku tahay lacagtaasi, hasayeeshee isagu wuu ka duwan yahay oo wuxuu adeegsadaa siyaasad u gaar ah, iyadoo dadku uga yimaadaan deegaannada Somaliland ka baxda sida Puntland iyo koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Kiiniyaba.

Waxa aan waydiiyey sababta uu xarun uga dhigtay carwadii hiddaha iyo dhaqanka ee Hargeysa oo uu illaa hadda degan yahay, wuxuuna ku jawaabay oo uu yidhi: “Markii aynu dalka soo galnnay ayaan xashiishka ka qaaday, dabadeeto dadka ayaan ku kabay. Alle ha u naxariistee wasiirkii hiddaha iyo dhaqanka ee Ina Bile ayaa igu gacan qabtay oo halkaa deg igu yidhi. Markaa madaxweynaha waxa ahaa Ina Cigaal, markii ay warbixintaydu gaadhay ‘ha degganaado’e ee daaya” ayuu yidhi. Haddana Daahir Rayaale ayaa madaxweyne noqday isna daaya ayuu yidhi waa mucjiso’e. Dee Madaxweyne Silaanyo isaga gaaweetada ayaanu wax ku wada guran jirnay oo SNM-tii ayaanu wada ahayn, halkaas ayaanu isku niqiinnay oo intii uu madaxweynaha noqday ayuun-baanan u tegin.”

“Midda kale gurigan xarunta ku dhex yaalla waxa deggan ciidanka qaranka oo aanu ku daweeyaa oo immika sagaal askari ayaa jooga, iyaga ayaa seexda oo ku jira oo ila jooga. Dadka aan daweeyo qaar ayaan anigu biiliyaa. Lacag go’anna (cayiman) kama qaado dadka aan daweeyo ee innamada ila shaqaynaya ayaan ku idhaahdaa wuxuun inooga qaada. Hadda dhawr nin oo ila jooga ayaan biiliyaa oo aan daweeyaana. Agoon oo dhanna waxba kama qaato. Danyartana qofka daciifka ah waxba kama qaato. Immika ninkii aan qalayay Hargeysa laguma daweeyeen ee dibadda ayaa loo qaadi lahaa. Ninkaa aan qalay dadkiisii waxa aan ku idhi waxa aad doontaan ii keena oo weli way ii soo sidaan.” Ayuu yidhi Dr. Xuseen Aw Aadan Bade.

Dr. Xuseen wuxuu ii sheegay inuu isagu diba-habayn ku sameeyey dhismaha carwada oo meelo badan ka dunsanaa, isla markaana aanu awoodi karin inuu sameeyo xarun kale oo uu dadka ku daweeyo. “Meesha (xarunta carwada) madaxweyneyaasha ayaa igu og oo intii awooddayda ahayd waan dhisay. Dusha ayay ka dalooshay oo way dunsanayd, way burbursanayd oo dhan walba way ka dunsanayd, aniga ayaa dhisay. Immika 65 sariirood ayaa yaalla, intaa wax ka badan ma kafayn karo oo ma awoodo inaan xarun kale sameeyo. Dhammaan hoolalku way buuxaan, oo dumarkuna way buuxaan. Awood aan lacag intaa leeg meel kale ku samayn karo ma lihi. Cid kalena maan oran wax kale ha la igu caawiyo ee wasaaradda hiddaha iyo dhaqanka waxa aan ku idhi waar ha la ii daayo, waxay igu yidhaahdeen ‘ballan waxa aanu ku qaadnay in aanu kula dhismo mooyee in aanaan kaa qaadin.’ Markaa ninkii ugu cawaandisanaa waraaqihiisii waan hayaa oo wuxuu igu yidhi ‘adiga iyo Laas-geel ayaanu ku faannaa, ballanna waxa aan ku qaaday marka la dhisi doono inaan qaybtaada kuu daayo.”

Cilmigan caafimaadka ee uu ku shaqeeyo Dhakhtar Xuseen maaha mid isaga uun ku kooban ee waxa jira dad kale oo uu tababaray oo qaar ka mid ahi xarunta kala shaqeeyaan, waxa kale oo uu tilmaamayaa waxa u qorshaysan mustaqbalka: “Illaa dhawr iyo toban nin ayaan tababar siiyey oo qaar Hargeysadan kaga shaqeeya oo uu anfacay. Waxa ii qorshaysan inta aan noolahay inaan sidaa dadka u gacan hayo ayaan ku talo jiraa. Dadkeenuna dan yar ayaynu u badan-nahay. Dhakhaatiirtana intii hore oo dhan waanu is-naqaanna kuwa danbe moyaane. Waxaana aan ka filayaa in sidaydaas oo kale inay dadka wada saacidaan (caawiyaan).” ayuu hadalkiisa ku soo af-meeray Dr. Xuseen.

Dhakhtar Xuseen Aw Aadan waxa waraysigiisa inooga soo dhex-baxay intii uu ku dhex-jiray hawlaha caafimaadka inuu dadaalkiisa wax ku waday, balse aanu weli helin taageero buuran marka laga tago dhismaha carwadda ee loo daayay mooyaan’e.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.com

http://heersaremuxumed.blogspot.com