Afrikadaa sedkeed go-ay samir iiga gaadhsiiii.!! Abwaan Shafeec

Sarantoosiyow adaa socdoon sahay u baahnaye
Adaa samada duulayoon socod ku daalayne
Adaan saanad iyo gargaar sahay u baahnayne
Adaan seexan siigiyo abaar saacad mirirkeede
Adaan suudin kaa xidhnayn sharci lagu su-aalayne
Adaa saam iyo sawaariikh lariday socod ka dheerayne
Afrika oo saloogan ninkii sawraca ugu baaqay
Ninkii sawraca ugu baaqay nabada sooyaalka
ninkii saxalkiyo gumaystaha seeefta ugu baaqay
Xornimadu su aashay lahayd ninkii sare usoqaday
nansan mandeelaa socday saaka soo weriyeene
Suulmadoobe iyo halaq lama salaaxeenee
Suldaankii afrika iyo odaybaa siibtay maantee
Siyaanada halkuu halkuulahaa samir kuwaydeye
Salbaji waa inaad tidhaahdaa iyo sooma noqotoo
Afrikadaa sedkeed go-ay samir iiga gaadhsiiii.!!

By Maxamed Shafeec Axmed.!!