Madaxweyne Siilaanyo oo Ballamo hore oo aan fulin dul-dhoobay kuwo cusub oo uu u qaaday Naafada

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hadallo farxad-gelin iyo beer-laxawsi isugu jira u jeediyey dadka Naafada ah ee reer Somaliland, isla markaana waxa uu u ballan-qaaday inay dawlad ahaan wax kala qaban doonaan baahiyahoda daruuriga ah.

unnamed-18

Ballan-qaadkan Madaxweyne Siilaanyo ee maanta ayaa ku soo beegmaya xilli aan wali wax muuqda oo laga qabtay jirin Ballamihii uu waqtigii uu ololaha Madaxtinnimada ku jiray 2010-kii u qaaday dadka Naafada ah iyo sidoo kale qaybaha Bulshada ee baahiyaha gaarka ah qaba

Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Silaanyo, oo ay weheliyaan Wasiirrada Madaxtooyada, Waxbarashada, Warfaafinta, Arrimaha bulshada iyo Masuuliyiin kale, ayaa ka qaybgalay xuska maalinta Naafada Adduunka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa dadka Naafada ah waxay gudoon siisay  gaadiidka baaskeeladaha loo yaqaan iyo Mootooyin kuwaas oo gaadhaaya dhawr boqol oo xabo, iyadoo ay wax weyn ka taridoonan baahiyihii dhinaca socodka ah ee ay qabeen, Madaxweynaha Somaliland oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Xukuumaddu tixgalin weyn u hayso dadka naafadaha ah, isla markaana ay qorshaha ugu jirto sidii xuquuqda dadka naafadaha ah loo daryeeli lahaa. Wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu sheegay inay bulshada wax weyn ku soo kordhin karaan, isla markaana ay dawladda uu hoggaamiyaa qorshe cad ka yeelan doonto taakulaynta iyo wax u qabshada dadka Naafada ah.

Md. Madaxweyne Siilaanyo, waxa kale oo uu ka hadlay dadka Naafada ahi halka ay kaga jiraan bulshada Somaliland,  waxaanu sheegay inay ku faanayaan dadkooda Naafada ah, isla markaana ay ogsoon yihiin waxay dalka ka mudan yihiin.

“Dadkaa reer Somaliland ee Naafada ah si kasta ha ku Naafoobeene waxaa waajib innagu ah dhammaanteen Xukuumaddana gaar xil uga sii saarann yahay ka war hayntooda, xannaanayntooda,  shaqaalayntooda iyo wax kasta oo daryeel ah oo ay innaga mudan yihgiin inay bulshadu gaadhsiiso, oo aynu ogaanno oo ilaalinno oo xataa qorshaha daaraha la dhisayo ku darno, ogaannana inay yihiin dad jilicsan oo u baahan wax kasta oo wax loogu qabanayo oo aynu ku talogalno inay yihiin dad ka mid ah bulshada reer Somaliland oo u baahan in ay helaan wax kasta oo bulshadu ay qabsanayso qaybtooda.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo oo khudbad ka jeediyey Munaasibadda lagu xusayey maalinta Naafadda.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayay Xukuumad ahaan waxay ugu  talo galayaan bulshada reer Somaliland ee naafada ah, waxa uu yidhi; “Anna waxaan ballan-qaadayaa Xukuumad ahaan inaannu ka war haynno oo wax kasta oo ay naga mudan yihiin aan u qabanno oo ilaalintooda iyo daryeelkooda ka shaqaynno, hadday wax barasho tahay hadday caafimaad tahay, hadday shaqo abuur tahay iyo wax kasta oo ay innaga mudan yihiin diyaar ayaannu ula nahay.”

“Xukuumad ahaanna qorshaha arrintaa waannu ka wada tashanaynaa dib ayaanan isugu noqonaynnaa taladana waxbaanu idinka siinaynaa waynu wada tashanaynna,waana inaad ogaataan inaad tihiin dad reer Somaliland ah oo dadkooda ka mid ah dalkooda wax u qaban kara,wax kusoo kordhin kara oo siddaanu idiinku faanaynno aad noogu faantaan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la dhawrayaa sida ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu uga jawaabaan ballan-qaadka ay maanta u sameeyeen Naafada Somaliland iyo sida ay u hirgeli karaan, iyaga oo ballamihii hore ee ololaha aan wax muuqda oo ay ka hirgeliyeen jirin, isla markaana ay ballantan cusubi dul-saar ku tahay ballamihii hore oo ay ku biirayso, Bahda Naafaduna ay kula xisaabtami doonaan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.