CALI BANFAS Dardaaran Dib U laabo


Cali Xasan [Bamfas]

 

 	   Gabaygan magaciisa waxa la yidhaahdaa Dardaaran.
 	   Wuxuu Abwaanku gabaygan curiyay habeenkii caanka
 	   ahaa, ee qaaradaha aduunka ay ka diiwaan gashay
 	   dhaqdhaqaaqa ururka Somalilyeed SNM taarriikhdiisu.
 	   Waa habeenkii uu qarxaday dagaalkii  27 may 1988 kii ,
 	   ee Hargeysa iyo Burcoba ay isku soo shubeen
 	   sooma-jeestayaasha SNM iyagoo oodahoodii sita.
 	   Waa habeenkii faraxada iyo naxdintaba lahaa.
 	   Gabaygu wuxuu ka hadlayaa falalkii wax ku oolka ahaa,
 	   ee is-dabajooga ahaa, ee SNM ku naafaysay taliskii
 	   Faqashta ahaa ee Afweyne. Waxa kalooy  burisay SNM,
 	   markii siyaasadda cadawnimada ah, ee nacasnimada ah,
 	   ee wadan nacaybka ah uu kula saxeexday Mangeste inaan
 	   dal loo haystaa aanu jirin si SNM loogu soo celiyo,
 	   loogana soo mistaafiriyo dalka Itobiya dabadana looga
 	   soo eryo. Afweyne wuxuu iska dhaadhiciyay inay siyaasadaasi
 	   u suurta galayso , tiina SNM ayaa burisay.

  Gabaygu wuxuu ku bilaabmay sidan:  
	   
	   heshiiskuu daraaday u galay daalinka Afweyne
	   shaxduu dagay midbaa loo dagaye mala-daraantiisa
	   doqonkii Ogaadeen ku waa dagaladiisiiye
	   Itoobiya dal uma haysaniyo saynka lagu duugay

	   inuu yahay dalaal buu u qiray duulankii shalaye
	   xabashigu dantiisuu arkaye tayda muu dayne
	   anigaba durkii laygu waday daabacay is rogaye
	   hadaydaan daf soo odhan habeen idinka oo duuban

	   si kaloon ku doona xornimo nama dawayseene
	   dab wixii onkaday iyo wixii danab is dhaafaayay
	   dushiinaanu so halabsanay iyo doonti Nabi Nuuxe
	   haday maalintii nala dagto on ruux Duriyad sheegan

	   duligaan ku noolayn marnaba kama daraateene
	   daaraha burburay ee madfaca lagu duqaynaayay
	   dahab iyo damaar iyo intii duunyo lagu waayay
	   intii diric shaheediyo intii danab ku naafowday

	   inta caydh u soo dibad baxdee een daxandaxoonaynin
	   dir-xunkaad dhamayseen ayaan kaga dawoobaaye
	   nimankii lahaa duub-casta iyo yayda daba joogta
	   nimankii daluumaha xabsiga iilka nagu diiqay

	   nimankii dibnaha eegayee  hadalka noo diiday
	   nimankii dubkoodi gubnaa aragu diidaayay
	   daymadooda nimankii indhaha dab iga leefaayay
	   halkaan dabada saaraba kuwii igu dul-meeraayay

	   magacyada dugaaga ah kuwii darajo moodaayay
	   dabar-goynti baan nahay kuwii marinka loo daayay
	   nimankii dadkay soo xidhaan kiish la daba qaado
	   madax-furasho lagu doonayee duunka ka colownay

	   nimankii dukaamada liqee rag uga duuduubtay
	   dagaagaan lahayn xeer gobeed ninaad u dayn raacdo
	   nimankii duqayn jiray  guryaha daakirkiyo laylka
	   dugay iyo caruur iyo kuwaan dumarka dhaafaynin

	   diricyada haweenkiyo kolay dahabka goostaanba
	   nimankii hablaha tay damcaan duhurka xoogaayay
	   duligaan lahayn dhaqanka iyo diin uu kaga waabto
	   maydkooda oo daadsan baan so dul-joogsadaye

	   ilkihii dameeraha bakhtiyay daanka faqatiira
	   kuwii go'ay daraad iyo shalay dakharki loo gaystay
	   gunnimado raggay damaqdaybaa noo dagaalamaye
	   xaqa lama daboolee waxaan kuugu dabashaaray

	   degma-laqus siday ugu dhacdiyo labbadi doofaarba
	   ee Guul-wadihii loogu daray waan ku diirsadaye
	   dubaaxdooda meeshaan dhignay ee dhiigo kaga daatay
	   daruur curatay waa kow wixii da'ay mahiigaane

	   Xamarbuu dayaankii ku dhacay danab kiciisiiye
	   daalinkii tubtii buu maruu sii dabayshadayee'
	   Alla haydin daayee xoriyad lagu damaashaado
	   lixdankii mar baan daawannoo calanku waa deege

	   kii hore daruur buu ahaa kanina waa dooge'
	   dalku uu idiin baahanyahay waana kaa dihine
	   dadaal waxaydun kula soo baxdoo idinku deeqaaye
	   siday diintu xeer noogu tahay dhaqan aan duugoobin

	   dimaqaraadi loo simanyihiyo daacad ku hogaansha
	   dadka waa la naanaabiyee dawga ku hagaaja
	   milatari baa nasoo daashadee dib uga faalooda
	   nin kuu digay kumuu dilin sidaa qaba dareenkeeda

	   damal aan la jarin baan ahee daysta midhihiina
	   dan qudhaynu wad leenehee daaf u wada jeeda
	   dabku yii iga seexanine dogobyo weyn saara
	   daroorimad waan necebehee daadka iga moosa

	   daldaloola badan baa jiree daah isaga yeella
	   dadnimadu hiday noo tahay dariska nooleeya
	   qoladii wax daandaansatana daafac ku lahaada
	   dacr iyo inaad malab tihiin dunida gaadhsiiya

	   ninba doobiguu kuu shubay kiisa ugu deeqa
	   dambiyada kuwaan sii ridnayn kala dambayntiina
	   damac iyo colaad bay is huwane isugu dulqaad yeesha
	   daryeelkeeda Somali weyn duuga lo simane

	   nin walbaa dagmoo leeyahaye daaqsintiyo ceelka
	   hadba kaa dan wada leedihiin daabka wada goosta
	   siyaasadaha layguma dagee daakhil  iyo khaarij
	   distoorkiina xaashida ku dhiga qalin aan duugoobin

Xigasho: somaliland poets