Xiisaha Kulanka Caawa Dhexmaraya Arsenal iyo Tottenham!

Sports Aftahannews – Kooxaha Tottenham iyo Arsenal, ayaa kulanka xiisaha iyo xamaasada badan ee waqooyiga London caawa ku wada ciyaaraya gegada Tottenham ee Hotspur Stadium wakhti aanay labadooda midna qaadanayn xilli ciyaareedkii wanaagsanaa ee laga filayay.

Arsenal, ayaa haatan 50 dhibcood ku joogta booska 8-aad ee miiska kala sarreynta horyaalka, halka kooxda uu hoggaaminayo tabobbare Jose Mourinho ay 49 dhibcood leedahay guud ahaan.

Tababare Arteta ayaa kulankan keydka dhigay xiddigihiisa da’yarta ah oo uu ugu horreeyo Bukayo Saka waxaana uu saddexleydiisa weerar ku mideeyay kabtan Aubameyang, Lacazette iyo Nicholas Pepe isagoo saddex daafac dhexe ciyaaraya.

Dhinaca kale Jose Mourinho ayay saddexdiisa weeraryahan yihiin Harry Kane, Son iyo Moura, Spurs ayay khadka dhexe u hayaan Sissoko, Winks iyo Lo Celso iyagoo hanaanka 4-3-3 kusoo shirtagay.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood:-

Arsenal: Martinez, Mustafi, Luiz, Kolasinac, Bellerin, Ceballos, Xhaka, Tierney, Pepe, Lacazette, Aubameyang.

Keydka: Macey, Sokratis, Torreira, Maitland-Niles, Holding, Soares, Nelson, Willock, Saka.

Tottenham:  Lloris, Aurier, Alderweireld, Sanchez, Davies, Sissoko, Winks, Lo Celso, Son, Kane, Moura.

Keydka: Gazzaniga, Vertonghen, Lamela, Sessegnon, Bergwijn, Ndombele, Skipp, Fernandes, Tanganga.

aftahanin@gmail.com

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.