Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Furay Shir Mihiim U Ah Furitaanka Dugsiyada Dalka

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil,  (Saylici) ayaa maanta si rasmi ah u furay shir weyne lagu falanqeynayo dib u furista sanad dugsiyeedka 2020/2021.

Kulankaas  oo ay ka soo qayb-galeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiiradda waxbarashada iyo sayniska iyo warfaafinta iyo wacyigelinta, agaasimaha guud ee wasaaradda, iyo  isku duwayaasha waxbarashada heer gobol ee dalka, hay’adaha caalamiga ah, kuwa UN-ka, iyo marti sharaf kale ayaa lagu gorfeeyay hanaanka waxbarasho ee furitaanka sanad dugsiyeedka 2020/2021.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa ku bogaadiyey wasaaradda waxbarashada dedaalka wax-qabad ee ay muujiyeen iyo sida ay ula tacaaleen waxbarashada ardeyda inta uu jiray xanuunka Covid19’

Geesta kale, Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay, in ay xukuumad ahaan ku dedaalayaan hirgalinta qorshayaasha waxbarashada ee ku wajahan sidii loo badbaadin lahaa caafimaadka ardeyda isla markaana waxbarashadoodu u hirgeli lahayd.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska mudane Axmed Abokor Maxamed, oo isna goobtaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay in in shirkan lagu go’aamin doono nidaamka iyo habraacyada loo mari doono furitaanka dugsiyada dalka si looga foojignaado haddimooyinka xanuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale ku dheeraaday muhiimda ballaadhan ee shirkani u leeyahay waxbarashada dalka si loo sii anbaqaado hannaanka waxbarashada dalka.