Dhuusamareeb: Jewigii Shirka Dowlad-goboleedyadu ku Furmay, Ujeedkiisa & Khudbadihii Madaxda

SHIRKA DOWLAD-GOBOLEEDYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA EE DHUUSAMAREEB 2020
SHIRKA DOWLAD-GOBOLEEDYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA EE DHUUSAMAREEB 2020

Dhuusamareeb(Aftahannews):- Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirkii wadatashiga ee madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

SHIRKA DOWLAD-GOBOLEEDYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA EE DHUUSAMAREEB 2020
SHIRKA DOWLAD-GOBOLEEDYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA EE DHUUSAMAREEB 2020

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa furitaankii shirka ka jeediyay khudbado ku aadan ahmiyadda shirka, wada tashi laga yeesho arrimaha doorashooyinka dalka iyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa sheegay shirka Dhuusomareeb in lagaga tashanayo sidii ay Soomaaliya uga dhici lahayd doorasho xor iyo xallaal ah.

SHIRKA MADAXDA MAAMUL-GOBOLEEDYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA 2020 DHUUSAMAREEB
SHIRKA MADAXDA MAAMUL-GOBOLEEDYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA 2020 DHUUSAMAREEB

Madaxweyne Qoorqoor wuxuu sheegay Soomaaliya inay heshiis ku tahay doorasho afartii sanoba mar ka dhacda, taasoo qeyb ka noqotay oggolaanshaha iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka. Qoorqoor wuxuu iska fogeeyay in shirkan dowlad-goboleedyadu keligood go’aan ku gaadhidoonaan.

“Ujeeddada gogasha Galmudug waxay ku saleysan tahay Walaallayaan bishan oo aan galnay qaybta dambe ee sannadka 2020 ma jiro ajende qaran oo ka mudnaan badan in is afgarad laga gaadho doorasho heer federaal, taas oo ay wakhti kooban ka hadhsantahay muddo-xileedka hay’adaha dastuuriga ah. Mudanayaal iyo Marwooyin, ujeeddada gogosha Galmudug waxay ku salaysantahay in Madaxweyneyaasha dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya ay uga wada tashadaan hannaan doorasho oo xor iyo xalaal ah.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu Madaxweyne Qoorqoor oo hadalkiisa sii watay intaas ku ladhay; “Taas macnaheedu ma ahan in taladu innaga innagu kooban tahay, sidaa darteed Mudanayaal iyo Marwooyin Galmudug waxay u aragtaa in iskaashiga dhex mara dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka ahi tahay mid dastuuri ah, isla markaana lagama maarmaan u ah taabbo gelinta himilooyinka Qaran iyo hawlaha culus ee dalka horyaalla, sida dhammaystirka dastuurka, dimuquraadiyeynta, la-dagaallanka argagixisada, dhismaha ciidan qaran, dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.”

Sidoo kale, Madaxweyneyaasha Maamullada Puntland, Koonfur-galbeed, Hir-shabeelle iyo Jubaland, ayaa iyaguna furitaanka Shirkaas ka jeediyey hadallo la xidhiidha shirka iyo xaaladaha Soomaaliya ee wakhtigan, waxaanannu warka shirkaas iyo nuxurka weedhaha Madaxda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.