Madaxweyne Waare oo Si Adag u Taageeray Qaddiyadda Gooni-isu-taagga Somaliland

Dhuusamareeb(aftahannews):- Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in Soomaaliya ay xumaysay Somaliland, isla markaana aan marnaba la tixgelin doorka ay ku lahaayeen xornimada iyo dowladnimada Soomaaliyadii burburtay 1991-kii.

Madaxweyne Waare oo hadal ka jeediyey Shirka Madaxda Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo Sabtida maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa sheegay inay Somaliland xaq u leedahay inay ka goosato amma gooni uga istaagto Soomaaliya.

Haddaba, Khudbadda uu Madaxweyne Waare ka jeediyey Shirkaas inta uu arrinta Somaliland kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.