Madaxweynaha Turkiga Oo Iska Difaacay Eedaymo Loogu Jeediyey Madxaf Uu U Bedelay Masaajid

Istaanbul (Aftahannews)-Madxafka caanka ah ee Hagia Sophia oo ku yaal magaaladda Istanbul ayaa markale loo bedalay masjid, kadib go’aan uu gaadhay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Go’aanka Erdogan ayaa daba socday xukun ay maxkamad riday oo ahaa in si sharciga baalmarsan markii hore goobtaasi looga dhigay madxafka.

Hagia Sophia oo la dhisay muddo 1,500 oo sano laga joogo ayaa waxaa markii koobaad loo asteeyay kaniisad, balse boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa sanadkii 1453 u bedashay masaajid.

Goobtan oo ka mid ah kuwa caalamiga ah ee u diiwaangashan hay’adda UNESCO ayaa dowladii Turkiga ee 1934 waxa ay ka dhigtay madxaf.

Islaamiyiinta Turkiga ayaa intii muddo ahba ku baaqayay in Hagia Sophia markale laga dhigo masjid, balse waxaa arinkaasi diiddanaa xisbiyada mucaaradka ee aan diinta aaminsaneyn. Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo madaxda diimaha ee caalamka ayaa dhaliilay go’aankaasi.

Madaxweyne Erdogan oo difaacay go’aanka ayaa sheegay in dalkiisa uu madaxbannaanidiisa ku saleeyay tallaabadda uu madxafkaasi markale uga dhigay masjidka.

Waxa uu intaa raaciyay in salaadda ugu horreysa dhismahaasi lagu tukan doono 24-ka July”Si la mid ah masaajiddeena, albaabada Hagia Sophia waxa ay u furnaan doonaan muwaadiniinteena iyo ajaanibta, Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahaynba,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxyar uun kadib markii uu Madaxweyne Erdogan shaaciyay go’aanka, ayaa Hagia Sophia laga adimay, waxaana aadaankaasi laga baahiyay guud ahaan warbaahinta Turkiga.

Hay’adda UNESCO ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay go’aanka madxafka loogu bedalay masaajidka, waxaana ay xukuumadda Turkiga ugu baaqday inay wadahadal ka furto arintaasi.