Halkuu Marayaa Tartanka Gooldhalinta Champions League, Europa League & Kabta Dahabka?

Isagoo 11 gool ku hogaaminaya gooldhalinta Champions League islamarkaana 34 gool ku qaaday kabta dahabka Bundesliga, Robert Lewandowski ayaa jabinaya labo rikoodh oo isaga qaas u ah isagoo dhinac u riixay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Midkood Messi aam Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleysanayay gooldhalinta Champions League 12kii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay marka laga reebo xilli ciyaareedkii 2014-15 oo ay kabta dahabka Champions League la qeybsadeen Neymar iyadoo saddexda xiddig ay xilli-ciyaareedkaas ku dhameysteen min 10 gool.

 Xilli ciyaareedkan Lewandowski waxa uu 11 gool ka dhaliyay tartanka ugu sareeya kubada cagta Yurub halka Messi iyo Ronaldo uu midkiiba dhaliyay labba gool.

Xiddiga reer Poland ayaa sidoo kale qarka u saaran inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub xilli ciyaareedkan. Waxa uu horyaalka Bundesliga ku dhameystay 34 gool isagoo shan gool ka sareeya xiddiga Lazio Ciro Immobile.

Kala Sareynta Tartanka Gooldhalinta Champions League:

11 Robert Lewandowski (Bayern München, UEFA Champions League)

10 Erling Braut Haaland (Salzburg/Borussia Dortmund, UEFA Champions League)

6 Serge Gnabry (Bayern München, UEFA Champions League)

6 Harry Kane (Tottenham Hotspur, UEFA Champions League)

6 Dries Mertens (Napoli, UEFA Champions League)

Dhanka tartanka Europa League, tartanka gooldhalinta waa la isku dhegan yahay iyadoo dhowr xiddig ay kuwada hogaaminayaan lix gool. Waxaa ka mid ah xiddiga Man United Bruno Fernandes kaasoo lix gool ka dhaliyay tartankaan isagoo u dheelay Sporting Lisbon iyo Red Devils.

6 Bruno Fernandes (Sporting CP/Manchester United, UEFA Europa League)

6 Diogo Jota (Wolves, UEFA Europa League)

6 Daichi Kamada (Eintracht Frankfurt, UEFA Europa League)

6 Alfredo Morelos (Rangers, UEFA Europa League)

6 Andraž Šporar (Slovan Bratislava/Sporting CP, UEFA Europa League)

6 Edin Višća (İstanbul Başakşehir, UEFA Europa League)

Tartanka Gooldhalinta Shanta Horyaal Ee Ugu Waa Weyn Yurub:

34 Robert Lewandowski (Bayern München, GER)

29 Ciro Immobile (Lazio, ITA)

28 Timo Werner (Leipzig, GER)

26 Cristiano Ronaldo (Juventus, ITA)

22 Lionel Messi (Barcelona, ESP)

22 Jamie Vardy (Leicester City, ENG)

20 Romelu Lukaku (Inter, ITA)

20 Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal, ENG)

19 Danny Ings (Southampton, ENG)

19 Mohamed Salah (Liverpool, ENG)

18 Wissam Ben Yedder (Monaco, FRA)

18 Kylian Mbappé (Paris Saint-Germain, FRA)

17 Karim Benzema (Real Madrid, ESP)

17 Luis Muriel (Atalanta, ITA)