Wasiir Soomaali Ah Oo Sheegay In Shaqadiisa Uu Ku Waayay Cod Sir Ah Oo Laga Duubay

Muqdisho (Aftahannews)-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada qabsaday cod sir ah oo laga duubay wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed, Ugaas Xassan Cabdi oo aan la garaneynin xilliga la duubay.

Codkan oo uu sax ahaanshihiisa xaqiijiyay wasiirkii hore ee warfaafinta ayaa laga dheehan karaa sida uusan ugu qanacsanyn siyaasadda xukuumaddii uu katirsanaa iyo dhaliilo uu u jeedinayo dowladda Koonfur galbeed ee uu hogaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.

“Madaxweyne Laftagareen waxaa uu rabaa in uu iswaafajiyo muddo xileedkiisa iyo kan baarlamaanka hadda jira marka la gaaro kalafadhigga koowaad ee baarlamaanka, si aysan usoo dooranin madaxweyne mustaqbalka oo waxaa uu rabaa in uu madaxweynaha been kusoo xarageliyo xildhibaanada, kadibna uu buriyo”, ayuu Ugaas Xassan ku yiri codka maqalka ah ee laga duubay ee lagu baahiyay baraha bulshada.

Ugaas Xassan oo u muuqday in uu ku kalsoon yahay qofka uu la sheekeysanayo, xogtana uu la wadaagayo ayaa sidoo kale waxaa codka laga dhex maqlay in qofka uu ku xan-qarsanayo uu bannaanka soo dhigo waxa jira, loona baahan yahay in waxa ay damacsan tahay madaxtooyada bannaanka lasoo dhigo oo dadku ay ogaadaan.

Wasiirka shaqada laga qaaday oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in codka laga duubay uu yahay mid sax ah, balse uusan fileynin, sidaasina uu sameeyay qof ay aad isugu dhaw yihiin”Nin aan saaxiibo ahayn ayaa si khaldan oo sharafta ban’aadamka iyo dadnimada ka baxsan cod iiga duubay, kadibna baraha bulshada si khaldan loogu baahiyay, taasina ay sabab u noqotay in xilkii aan ka haya dowlad goboleedka Koonfur Galbeed la iga qaado”, ayuu yidhi Ugaas Xassan oo la hadlay BBC-da.

Madaxweyne Laftagareen ayuu sheegay in isagoo dareemaya culleyska ay arrintaas leedahay uu go’aansaday in uu xil ka qaadis ku sameeyo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa 4-tii bishan war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay xilka laga qaaday wasiirkii warfaafinta, inkastoo aanan la sheegin sababta keentay xil ka qaadista.

Waxaa kale oo uu wasiirka sheegay in qofkii ka duubay codka uu cafis ka dalbaday, arrintaasina uu aqbalay”Ma khaldame waa Alle, walaalkey codka iga duubay wuxuu qiray in uu khaladamay, dembina ay ahayd waxa uuu sameeyay, annigana waxaan go’aansaday in saaxiibka sida khaldan codka iiga duubay aan cafiyo”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirkii warfaafinta ayaa kamid ahaa wasiiradii lasoo shaqeeyay dowladii Shariif Xassan, waxaana xilkaas uu hayay muddo lix sanno ah.