Qabiil Deganaan Jiray Soomaaliya Oo Gaajo U Dhammaaday Iyagoo Hantiilayaal Ah

Muqdisho, (Aftahannews)-Xalwaanni wuxuu ahaa qabiil carbeed oo saddex kun oo qarni ka hor ku noolaa Xamarweyne iyo Shingaanni ee gobolka Bannaadir. Qabiilkanni wuxuu dahabka ku qarsan jiray dhulka hoostiisa, waxaynna u badnayeen dad hantiilayaal ah.

Maxamed Binu Cali oo ah oday waayeel ah ayaa teleshinka Unitersal u sheegay sidda ay ku cidhib-tirmeen qabiilkii la odhan jiray Xalwaanni “Xalwaanni waxay ku baab’een, maalqabeenna way ahayeen oo abaar baa dhacday oo wax ay cunnaan bay waayeen. Waxaanna la arkay iyagoo gurigii ku dhex-dhintay oo wax soo kaalmaynayaa may jirin oo dalka waxa ka dhacday abaar xun. Marka qabiilka Xalwaanni dahabkooddii iyo guryahooddii dhulka ayay galeen.”Ayuu yidhi Maxamed Binu Cali

Markaad dhex socoto degmadda Xamarweyne, waxaad arkaysa dhismayaal waayo horre la dhisay oo lagu sheegayo inay deganayeen dad horre. Welinna waxa jirta in la helo mararka qaar burburka Dahabkii ay qabiilka Xalwaanni ku aasteen dhulka hoostiisa.

“Horta ganacsiga dahabku ganacsiyadda ugu adag ayuu ku jiraa. Qofbaa laga yaabba inuu iska wato dahab oo aannu iska oggayn inuu dahab-yahay . Dadkii horre dahab-bay kaydsan jireen oo waxa dhacay burbur oo imika burburka dhacay awgii dadbaa inoo keenna dahab.”ayuu yidhi mid ka mid ah dadka ka ganacsadda dahabka.

Iyaddoo dadka ku nool degmadda Xamarweyne ay ogyihiin in qabiilka Xalwaannigu dahabka ku kaydsan jireen dhulka hoostiisa. Haddanna ma jirto awood lagu raadin karro Dahabkaasi, maadaama ay dumeen guryihii Xalwaannigu “Dadku may raadin dahabka, sababto ah dadkubba way tamar-darnayeen. Marka dadka soomaaliyeed waxay sameeyeen in qofbaa hawl-qabsaddo oo aannu isu-mashquulin in la raadiyo Dahabka iyo shilimaadka Qabiilka Xalwaannigu dhulka ku aastay la soo baxaan.”Ayuu Maxamed Bin Cali

Weli dad ayaa ka qodda xeebaha badda dahab soo raaca biyaha Badda ama daadka ka soo rogmadda xaafadaha xamar-waynne. Kuwaas oo xiliyadda qaarkood soo hela dahab burbursan.